Araweelo News Network

Garoowe(ANN)-Madaxweynaha dawkadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed cabdilaahi Farmaajo, aya saacado ka hor ka degey magalaada Garoowe ee Xarunta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Madaxweyne Farmaao, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay halkaa, iyadoo uu la socday Diyaarad ay saaran yihiin ciidan Aad U Faro Badan oo loogu talo galay Inay sugaan amaankiisa mudada uu halkaa joogo.

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo booqashadiisii u horraysay ku tegey deegaankaa, wuxuu sheegay inuu booqan doono goobo badan oo ay ka mid yihiin goobaha waxbarashadda, Isla markaana la kulmi doono Odayaasha Iyo waxgaradka deegaanka Puntland.