Araweelo News Network

Hargeysa(AN )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku cannaantay madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Komishanka Tacliinta inay masuul ka yihiin jaamacadaha tirada badan ee laga furay Somaliland, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in tirada jaamacaduhu ku dhaw yihiin tirada dugsiyada sare ee dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey kormeer uu ku tegay xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland , waxa uu caddeeyey in qaran ahaan laga shaqayn doono sidii mushahar ku filan loogu heli lahaa macalliinta wax ka dhiga dugsiyada dawladdu maamusho.

“Macallimiintu waxa ay u baahan tahay lacag dhan 24 bilyan oo shillinka Somaliland ah, si mushaharadooda kor loogu qaado, sidii lacagtaas loo raadin lahaana waxaannu u baahannahay in aad na siisaan muddo toddobaadyo ah, bahda waxbarashadana waxa laga rabaa inay soo wareejiyaan dhaqaalaha loo baahan yahay in wax lagaga qabto baahiyahooda, soona raaciyaan qorshihii lagu heli lahaa dhaqaalahaa ay u baahan yihiin,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Waxa kaloo uu Madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay jaamacadaha tirada badan ee ka hawlgala Somaliland, isagoo arrintaasna ku cannaantay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo uu xusay inay bixiyeen liisanka ogolaanshiyaha lagu furtay jaamacadaha badan.
“Waxa aan rajaynayaa in aad in badan wax nala saxdaan, hay’adda tacliinta sare inoo qaabilsanna waxaan leeyahay 32-ka jaamacadood iyo 54-ka dugsi sare (secondary schools) way is leeg yihiin, adduunyadana ma dhacdo, idinka uun baana sharciga ama oggolaanshaha bixiyey, markaa bal nooga soo jawaaba sida ay labadaasi isu daboolayaan, annaguna jiidhi mayno ogolaanshaha aad bixiseen, eeddaana idinka ayaa leh gari Ilaahay bay taqaannaaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bahda waxbarashada ugu bushaareeyey in hay’adaha ajaanibka ah ee kaalmooyinka bixiya iyo cid waliba ku qasban tahay inay qaadato, kuna dhaqanto siyaasadda waxbarashada ee qaranka u dejisan, isla markaana xukuumadda uu hoggaamiyaa diyaarisay qorshe tilmaamaya hannaanka ay marayaan mashaariicda ay hay’adaha caalamiga ah dalka Somaliland ka fuliyaan.
“Cidda ku socon weyda siyaasadiina iyo qorsheyaashihiina, tacliin inooma waddee rabshad bay wadaan, annaguna waanu idinla qabanaynaa, idinkuna awooddiina isticmaala, imminkana waxa aynu dhiganay qorshe Ajanabi kasta faraya inuu Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo maro, dabadeedna qorshaynta sii maro, taas oo wasaaraddii hawshaas ku shaqada lahayd u sii gudbin doonta, mana dhacaysao nin wax jeebka iskaga soo qaataa,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kormeerka uu Madaxweynuhu ku tegay xarunta guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay ujeedadiisu ahayd hannaanka shaqo ee hawl-maalmeedka wasaaraddu u socoto, iyadoo Madaxweynaha halkaas ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada oo uu ugu horeeyo Wasiirkooda Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Fara-toon), kuwaasoo Madaxweynaha warbixin ka siiyey hannaanka waxbarasho ee dalka ka jira, horumarka ay wasaaraddu ku tallaabsatay iyo caqabadaha kala duwan ee ilaa haatan haysta bahda gacanta ku haysa waxbarashada dawliga ah ee dalka ka jira.
Xubno tiro badan oo ka mid ah Agaasime-waaxeedyada kala duwan ee ka hawlgala Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo isaga dambeeyey warbixin ay siiyeen Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan ku tallaabsadeen qorsheyaal tiro badan oo dhinaca horumarka ah, taasna ay dhinac socoto caqabado u baahan in is-kaashi iyo isku duubni lagaga gudbo, si loo helo jawi si buuxda loogu tayeyn karo waxbarashada xukuumiga ah.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna Madaxweynaha uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee uu waxbarashada qaranka u barbar taagan yahay, isla markaana diyaarka ugu yahay inuu bahda waxbarashada ula garab galo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha haatan hor taagan ee u diiddan inay yoolkooda gaadhaan.