niklosMogadishu(ANN)Wakiilka Khaaska ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia. Sir Nicholas Kay, ayaa kulan albaabada loo xidhay la yeeshay Raysal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed.
Kulankaa, ayaan la ogayn waxyaabaha lagaga hadlay iyo ujeedadiisa, isla markaana ma jiro wax war ah oo labada dhinac kasoo daareen, balse warar laga soo xigtay dad ku dhow dhow Xafiiska Raysal wasaaraha Somalia, ayaa u sheegay shebekada Araweelo News Network in uu ahaa mid ay labada Masuul kaga arinsanayeen xaalada siyaasadeed ee Dalka iyo khilaafla weli taagan ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha, kaas oo aan wax xal ah loo helin.
Hase yeeshee sida ay xoggahaa iyo tibaaxaha laga helay kulankaasi sheegayaan, wuxuu Sir Nicholas Kay, ku war geliyay Raysal Wasaaraha in ay adagtahay in beesha Caalamku sii taagnanto mawqifkeedu ahaa in la badbaadiyo Raysal wasaare Cabdiweli. Kadib markii sida ay xogahaasi sheegeen Mr. Kay sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkaysanayo in Raysal Wasaaraha xilka laga qaado, taas oo sida uu sheegay wax ka bedelay Mawqifkii hore ee beesha Caalamka ka taagnayd khilaadka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha. Sidaa awgeed haddii ay arrimuhu sidaa u socdaan ay suurta gal tahay inuu waayo xilkiisa, maadaama rajada beesha caalamka ee uu taageerada ka haystay sii yaraanay, isla markaana Madaxweyne Xasan sheekh mawqifkiisa sii fogeeyay kuna adkaysanayo in Baarlamaanku meel mariyo mooshinka ka dhanka ah raysal wasaaraha oo laba fadhi oo hore aanay suurta gelin in lasoo dhigo golaha si mudanayaashu go’aan uga gaadhaan.

Sir.Nicholas Kay, ayaa sidoo kale kulanka uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Somalia u sheegay in mawqif midaysan ay kasoo saaray arinta khilaafka Beesha Caalamku, isla markaana ay wadaan go’aan miiska saaran oo mawqif midaysan lagaga soo saarayo arrinta khilaafka oo uu sheegay in ay wax weyn durba u dhintay rajadii iyo yididiiladii Bulshada Soomalida iyo beesha caalamka ee mustaqbalka Somalia, isla markaana saamayn ku yeelatay amaanka magaalada Muqdisho.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com