Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Kulan-hawleedkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u qabtay Golaha Wasiirrada xukuumaddiisa cusub, ayaa gunaanadkiisii laga soo saaray go’aamo 13 qodob ka kooban oo dhinacyo kala duwan taabanaya.

Kulanka wada-tashiga Golaha Wasiirrada xukuumadda cusub oo muddo afar maalmood ah ka socday hudheelka Royal Palace ee galbeedka caasimadda Hargeysa oo Madaxweyne Biixi soo xidhay , waxa qodobadda ka soo baxay ugu muhiimsan; in la xoojiyo siyaasadda arrimaha dibadda, lana kordhiyo dadaalka loogu jiro ictiraaf-raadinta, in la xoojiyo amniga gudaha, si buuxdana loo sugo xuduudaha dalka, in la dhiirrigaliyo, lana fududeeyo maalgashiga, si loo abuuro fursado shaqo, in la kordhiyo dakhliga, dib-u-habaynna lagu sameeyo nidaamka maamulka maaliyadda, in la sameeyo guddi farsamo oo ka soo talo bixisa xal-u-helidda sicir-bararka iyo kuwa kale.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Saxaafadda ee Madaxtooyada Somaliland Mr. Naasir Yuusuf Daahir, ayaa lagu sheegay in kulan-hawleedka wada-tashiga ah oo looga gol lahaa sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta wasaaradaha iyo dardaragalinta hawlaha qaran ee horyaal xukuumadda cusub, waxa muddadii uu socday goob joog ka ahaa Madaxwayne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Muddadii shir-hawleedku socday waxa ay xubnaha Golaha Wasiirrada ee xukuumadda cusub yeesheen doodo is daba jooga iyo falaqayn ku saabsan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo, iyagoo ka duulaya barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Labaad (NDPII) iyo barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE ku galay ololihii doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday bishii November ee la soo dhaafay.

Kulanka oo uu si rasmi ah u soo xidhay Madaxweyne Muuse Biixi waxa gunaanadkiisii ka soo baxay qodobaddan:

1. In xubnaha Golaha Wasiirradu si wadajir ah u shaqeeyaan, iskana kaashadaan hawlaha qaranka ee horyaalla.
2. In qorshaha xukuumadda lagu saleeyo barnaamijka xisbiga KULMIYE iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Labaad (NDPII).
3. In la xoojiyo siyaasadda arrimaha dibadda, lana kordhiyo dadaalka loogu jiro ictiraaf-raadinta.
4. In la xoojiyo amniga gudaha, si buuxdana loo sugo xuduudaha dalka.
5. In la dhiirrigaliyo lana fududeeyo maalgashiga, si loo abuuro fursado shaqo.
6. In la kordhiyo dakhliga, dib-u-habaynna lagu sameeyo nidaamka maamulka maaliyadda.
7. In la sameeyo guddi farsamo oo ka soo talo bixisa xal-u-helidda sicir-bararka.
8. in kor loo qaado wax-soo-saarka dalka, bulshadana lagu dhiirrigaliyo inay tabcadaan.
9. In kor loo qaado adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Somaliland loo fidinayo.
10. In dhidibada loo aaso nidaamka maamul-wanaagga, laguna dhaqmo daah-furnaan iyo caddaalad.
11. In la dajiyo qorshe qaran oo ku wajahan ka-hortagga iyo wax-ka-qabashada abaaraha.
12. In dadaal dheeraad ah lagu bixiyo sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda.
13. In hindisaha waxqabadka madaxweynaha ee boqol iyo labaatanka casho (120) ee u horreeya xukuumadda la fuliyo, wasaarad walbana ay qaybta kaga soo hagaagaysa fuliso.