Araweelo News Network

Madaxwrynaha Somaliland iyo Safiirka Britain ee Arrimaha Soomaalida

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka waddanka UK u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador David Concar oo booqasho ku jooga dalka.

Kulankan oo maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii uu soo dhammaaday, waxa warbaahinta uga warramay Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxaana isaga oo sharraxaya kulanka madaxweynaha iyo safiirka uu yidhi, “Kulankan waxa ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo safiirku kaga wada-hadaleen arrimo badan oo khuseeya mandaqadda geeska Afrika iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ay kamid yihiin wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday oo muddo hakad ku jirey iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa, islamarkaana hannaankii wada-hadalladaas looga gaadhi lahaa xaqiiqo taabata dareenka labada waddan.”

Af-hayeenku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Waxa kale oo ay safiirka iyo madaxweynuhu ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qoondaysan inay ka qabsoomaan sanadka soo socda, iyada oo uu madaxweynuhuna safiirka u caddeeyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay doorashooyinkaasi xilligoodii ku qabsoomaan, qaadhaankii kaga aaddanaa xukuumaddana ay hore u shubeen, waxaana uu u bandhigay dalka Ingiriiska iyo cid kasta oo ka qaybqaadata doorashooyinka Somaliland oo Ingiriisku kamid yahayna ay u furan tahay inay ka qayb-qaataan,” ayuu yidhi afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac.

Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxa uu shaaciyey in madaxweynaha iyo safiirku ay si qoto dheer uga wada-hadleen ka wada socoshada deggenaanshaha mandaqadda iyo isbeddelada ka socda, islamarkaana ay dawladda Ingiriisku diyaar u tahay ka qayb-qaadashada waddada isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Wajaale, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu ydihi, “Sidoo kale waxa ay madaxeynaha iyo safiirku ka wada hadleen waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor oo ay dalka Ingiriisku danaynayaan inay ka qayb qaataan hirgelinta dhismaha waddadaas iyo degenaanshaha mandaqadda geeska Afrika iyo saamaynta ay yeelan karto isbeddellada ka socdaa.”

Ugu dambayntii waxa uu af-hayeenku sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safiirka uga mahadceliyey doorka uu waddanka UK kaga jiro horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo safiirkuna dhinaciisa madaxweynaha ku bogaadiyey horumarka uu qarankiisa ku horseedka uga yahay.