Muqdisho(ANN) –Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa loo ogolaaday lacag gadhaysa Maalyiin oo lacgta Yuurada ah oo lagu kabayo miisaaniyadda dawladda. sidaana waxa lagu sheegay war-saxaadeed kasoo baxay kulanka lagu kala saxeexday lacgtaa.

War-saxaafadeedka oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare Khayre oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:-” Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 milyan (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda.

Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo uu goob joog ka ahaa ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan €100 milyan.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’addaha lacagaha adduunka.

“Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’addaha dalwladda”, ayuu ydhii ra’iisal wasaare Xasan Cali khayre.

Midawga Yurub oo go’aan ku gaadhay in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xidhiidha in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaadhan oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 mliyan (Boqol Milyan oo Yuuro) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya