qarax muqdisho1Mogadishu(ANN)Weerar qarax ah oo lagu bartilmaameedsaday Weriye ka hawlgala Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, ayaa sababay dhaawaca Weriye Nuure Maxamed Cali oo ka soo Shaqeeyay Idaacada Kulmiye Ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka, ayaa ka dhacay xalay Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Kadib markii gaadhi uu watay Weriye Nuure Maxamed oo ahaa Suuzuki loogu xidhay waxyaabaha qarxa ee Rimuutka lagu maamulo, ama sheedda laga hago, waxaana loola cararay Cusbitaalka kadib markii uu dhaawac culus soo gaadhay Weriyahaa.

Wariyayaal ku booqday qaraxa kadib Cusbitaalka Madiina, ayaa sheegaya in Wariye Nuure Maxamed Cali Dhaawaca uu ka soo gaadhay qeybaha danbe ee lugaha, iyadoo Lugta midig ay Go’day, waxaana xaaladdiisa Caafimaad la tacaalaya Saraakiisha Caafimaadka Cusbitaalka Madiina.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com