Araweelo News Network

Murrashaxiinta Saddexda Xisbi oo gamcaha is qabsaday

Hargeysa(ANN)- Saddexda murrashax madaxweyne ee xisbiyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa si wadajir ah baaq ugu jeediyey shacabka reer Somaliland inay si nabadgalyo ah u codeeyaan maalinta codbixinta ee maalinta Isniinta, waxaanay shaaciyeen inaanay jirin wax colaad ah oo dhexdooda taalla, isla markaana uu soo dhammaaday tartankii iyo ololihii muddada saddexda toddobaad ah soo socotay.

Sidaana waxay ka sheegeen kulan maanta ay wadajir usoo qaban-qaabiyeen Akademiga Nabada iyo Horumarka Somaliland iyo Saddex Madaxweyne ku xigeen oo Somaliland kasoo qabtay xilal, kuwaas oo kala ah Mudane, Xasan Ciise Jamac ​Mudane, Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax​ iyo Mudane, Axmed Yusuf Yasin.

Kulankaa laysugu keenay saddexda Murrashax, waxa kaloo ka qaybgalay Guddoomiyaha Akademiga Nabada iyo Horumarka Somaliland (APD) Mr. Maxamed Faarax Xirsi, Marwo Adna Aadan, Prof, Saleebaan Cabdi Guuleed, Maxmuud Cabdi Xaamud (Nayn) iyo qaar ka mid ah Culimada Somaliland, kuwaas oo weedho kooban ka jeediyay kulankaa.

Saddexda murrashax ee xisbiyada – Eng. Faysal Cali-waraabe, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan (Cirro) oo shir jaraa’id ku wada qabtay xarimta Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Hargeysa maanta, waxay shacabka ugu baaqeen inay wadajirka iyo isku duubnidooda ilaashadaan, isla markaana uu soo dhammaaday ololihii iyo xafiiltankii axsaabta dhexdeeda yaallay.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh u sharraxay ujeeddada laga leeyahay doorashada juhdiga iyo waqtiga badan la geliyey, waxaannu tilmaamay inay doorashadani tahay farriin ay shacabka reer Somaliland kula garnaqsanayaan beesha caalamka, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaynu doorashadan u gelaynaa oo dhibta intaa le’eg ee dhaqaale ee juhdi u maraynaa caalamka ayeynu kula garnaqsanaynaa, waxaannuna leenahay dadka Somaliland ma geyaan in indhaha laga laliyo oo ictiraafkooda gardarrao loogu diido ummadda waxaas oo tacab ah gashay, xaq bayna ugu leedahay, waana markii shannaad ee Somaliland doorasho gelayso oo ay ku muujinayso go’aankeeda qaranimo, midnimadeeda iyo horumarkeeda, maanta waa garnaqsi labaade codeeye ha u qaadan warqadda iyo codka aad ridaysaa inuu ku eegyahay qof aad dooranaysee qarankii baad hirgelinaysaa, taasina waxay kaaga baahantahay inaad si masuul ah uga qaybgasho doorashada.”

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay inay saaxiib dhaw yihiin dhiggiisa murrashaxiinta ka ah xisbiyada kale, isla markaana ay dhug u leeyihiin muhiimadda ay leedahay degenaanshaha iyo wadajirka ummaddu, “Tartanka uma gelayno inaannu dalka wax yeellayno ee inaannu hore u marinaanu doonaynaa, tabta uun baana lagu kala duwan yahay, colna ma nihin oo rag saaxiibbo ah baanu nahay oo dad in badan soo wadashaqeeyey baanu nahay 15-kii sanno oo xisbiyadu jireenna saddexdayaduba waanu taagnayn, nin walbana annagaa tan uga lexejeclo badan, ninna tan naga waanin maayo oo dhibaatadeeda noo sheegi maayo oo dhibaatada aanu u soo marnay umuu soo marin,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isna bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay wadajirka iyo ammaanka ilaaliyaan, isla markaana aan loo baahnayn in shacabka dhexdiisa lagu abuuro cunfi iyo kala qoqobnaan, waxaannu yidhi, “Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay Ilaahay wuu qoray qofkii soo bixi lahaa, haddaad is dhaqaajiso iyo haddii aad ceeb samaysid waxba kama beddeli kartid go’aanka Ilaahay ee waxba ha is xiijinina oo caaddifad reereedda iska daaya, asluubta iyo magaca dalkeena iyo ka shacabkeena iyo sumcadda waddankeena inoo ilaaliya, tartankiina wuu dhammaaday oo hadda isku mid baanu nahay, waxaana naga go’an inaannu sharafta dalkayaga ka horraysiino wax kastaba, Huutuu iyo Tuutsina ma nihine hal qoys baynu nahay.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna dhankiisa dadweynaha u bayaamiyey in laga soo gudbay ololihii iyo xafiiltankii axsaabta, isla markaana muwaadiniinta looga baahanyahay in iyaga oo sharciga iyo degenaanshaha dhawraya ay u codeeyaan ciddii ay taageersanyihiin, “Ololihii doorashadu wuu dhammaaday, haddii ololihii dhammaadayna tarankiina wuu dhammaaday, waxaynu xaq u leenahay inuu muwaadin kastaa codkiisa dhiibto, muwaadinkuna xaq waxa uu u leeyahay hal cod, codkaasna waxa la doonayaa inuu si nabadgelyo ah ku dhiibto, xisbigii uu doonana ku taageero, haddii uu KULMIYE taageerayo, haddii uu UCID taageerayo iyo haddii uu WADDANI taageerayoba, wax tartan ah oo dambe oo naga dhexeeyaana ma jiro, go’aankana shacabkaa leh oo cidda aad doorataan baa madaxweyne dalkan ka noqonaysa,” ayuu yidhi Md. Cirro.
Ugu dambayntii, saddexda murrashaxba waxay si isku mid ah uga digeen dhawaaqyada dhiillada xambaarsan ee kasoo yeedhaya maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaanay hoosta ka xarriiqeen inaanay aqbali doonin farogelin kasta oo maamulkaasi ku sameeyo xuduudda Somaliland iyo qarannimadeedaba.