Araweelo News Network

Michael Keating

Hargeysa(ANN)- Qoraal Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Ambassador Michael Keating kaga jawaab celiyey dacwad uu  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka gudbiyay Xoghayaha guud oo la xidhiidhay dagaalka Tukaraq iyo sababta wadahadaladii u dhexeeyey Somaliland Iyo Soomaaliya u istaageen, Isla markaana ku tilmaamay Madaxweynaha Somaliland in Ambassador Michael Keating aanu dhex ka ahayn arrimahaa uu Wakiilka uga yahay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

 

Qoraalka Ambassador Michael Keating kaga jawaabay dacwadda xukuumadda Somaliland ka gudbisay, wuxuu ku sheegay in Xoghayaha guud ee qaramada midoobay u wakiishay inuu ka jawaabo dacwada ka soo gaadhay Madaxweynaha Somaliland.

 

Qoraalka Jawaab celinta ah ee Ambassador Michael Keating, ayaa dhigay sidan:-

“Xoghayaha guud wuxuu iga codsaday inaan kaaga soo jawaabo warqadaadii ku taariikhaysnayd 28 May 2018 ee la xidhiidhay colaadda Tukaraq.

Xoghayaha guud waxa uu ka niyadjabsan yahay, xilli horukac la taaban karo laga sameeyey geeddi socodka nabadaynta iyo dhismaha dawladnimada Soomaalida, in ilihii milateri ee yaraa, ee qiimahana lahaa, halkii ay ka ahayd in loo isticmaalo wax-ka-qabashada amni darrada, in loo isticmaalay khilaaf sababaya darxumo weyn iyo in nafo lagu waayo. Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in la fuliyo afartii qodob ee aan kula wadaagay oo ay ku jireen in colaadda la joojiyo, xabad joojin la hirgeliyo, la aasaaso janalo ay ku xidhiidhaan taliyayaasha ciidamadu, iyadoo si buuxda loo ogolaanayo in caawimo bini-aadminimo la gaadhsiiyo dadka shacabka ah ee ay saamaysay iyo in maxaabiista la sii daayo si kalsooni loo dhiso.”

Arrinta la xidhiidha mawduuca mawiqfka Somaliland, xoghayaha guud wuxuu ku talinayaa inay jiraan qaabab caalami ah oo loo dejiyayinay raacaan deegaanada doonaya inay gaadhaan aayo ka tashi oo ay aqoonsadaan dalalka beesha caalamku kana mid noqda Qaramada Midoobay. Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqayaa Somaliland inay dib u bilowdo wada hadaladii istaagay ee Somaliya.

Xoghayaha guud wuxuu I faray inaan sii wado inaan dhinacyada kala shaqeeyo in la dhammeeyo colaadda tukaraq iyo inaan fududeeyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.”. Ayaa lagu yidhi qoraalka Ambassador Michael Keating.