Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Mr. Khayre, ayaa la filayaa in uu ka qaybgalo  shirka goloha amniga qaranka oo saddexdii biloodba mar la qabto oo loo qorsheeyay in lagu qabto halkaa, waxaana lagaga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo waftigiisa waxaa goroonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay madaxwaynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, Guddoonka Baarlamaanka ee maamulka, Wasiiro, Xildhibaano iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Sidoo kale shirka goloha amniga qaranka ayaa lagaga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dejiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Waxaana qayb ka ah dhammaan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyha gobolka Benaadir.

—— DHAMAAD———

Maxamed Cabdi casiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so