Araweelo News Network

Abu-Dhabi(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaalada Abu-Dhabi ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii ay shalay galinkii dambe ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho.

 

Wefdiga Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa Goroonka Diyaaradaha Magaalada Abu-dhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta H.E. Eng. Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei

Ra’iisal wasaare Xasan Cali kheyre, ayaa la filayaa, inuu muddo labo maalmood ah ku  joogo booqashadiisa wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Isla markaana kulamo la qaato Madaxda Dalkaasi.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha waxa ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda H.E. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka H.E. Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale.

Dhinaca kale ma Jiro war rasmi ah oo sheegaya ujeedada booqashadiisa, balse, sida ay sheegayaan wararka shebekada Araweelo News Network ka heshay ilawareedyo ku dhow dhow, waxa suurtagal ah in madaxda Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka wada hadli doonaan Arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo dawladda Imaaraadka iyo xulufada sucuudiga ay xukuumadda Soomaaliya isku maandhaafeen go’aanka ay ka qaadatay khilaafka u dhexeeya dawladda Qadar iyo xulufada Sucuudiga oo dawladda Imaaraadku qayb ka tahay.

Dawladda Imaaraadka, ayaa xukuumadda Federaalka siisa taageero dhaqaale Iyo mid Milateri, balse dhowaan waxa soo baxay khilaaf u dhexeeya dawladda Soomaaliya, iyadoo Imaaraadka lagu eedeeyey inuu faragelin ku sameeyay Siyaasada dawladda Federaalka ee Soomaaliyaa, Isla markaana taageerada Dalalka Qadar Iyo Turkiga oo saamayn weyn ku xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ay Ka cadhaysiisay Sucuudiga Iyo Imaaraadka oo isku deyaya in xukuumadda Somalia u dhega nuglaato iyaga, halka ay xiligan u dhega negushahay Turkiga Iyo Qadar, waxaana la filayaa in kulamada  lagu soo qaado arrimahaa Iyo kuwo kale.

Halkan Ka Akhri: Ra’iisal Wasaaraha Somalia Oo Kusii Jeeda Dalka Imaaraadka Iyo Ujeedada Safarkiisa.