Araweelo News Network

Djibouti(ANN)– Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa Djibouti  ayaa booqday xarunta Isgaadhsiinta dalkaa iyo sidoo kale Dekadda Dooraale ee duleedka Djibouti.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Djibouti, Mudane Cabdi Youssouf Sougueh iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Ra’iisal Wasaare Khayre geeyay xarunta Isgaadhsiinta iyo Dekadda Dooraale, wuxuuna Ra’iisal Wasaare Khayre ku bogaadiyay dadka reer Djibouti iskutashiga ballaadhan ee ay sameeyeen, isaga oo ka codsaday in walaalahooda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan arrimaha Dekaddaha iyo Isgaadhsiinta

Ra’iisal wasaare Khayre ayaa ammaanay horumarka ballaadhan ee Dowladda Djibouti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xidhiidha xadhka Fiber optic-ga, wuxuuna boosta ka xariiqay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideysan doonto khibradda dawladda Djibouti.

Wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisal wasaare Khayre ee maalmahaan ku sugnaa Djibouti.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa Djibouti waxa uu la kulmay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi oo ay ka wada hadleen arrimaha baddan oo khuseeyaa labada dal iyo guud ahaan gobalka.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaare iyo wefdigiisa, ayaa booqday Qoxootiga  Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Djibouti.

—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya