Araweelo News Network

Moscow(ANN)-Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dalkeeda ka caydhinayso 23 dublamaasi oo u dhashay dalka Britain, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhalatay weerar loo adeegsaday sun oo lagu qaaday nin ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka balse markii dambe iska dhiibay dalka UK.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in dublamaasiyiinta ka hawlgala safaaradda Britain ee Moscow dalka laga musaafurin doono muddo toddobaad gudihiis ah.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah go’aanka Britain ay dalkeeda kaga eriday 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Ruushka.

Dublamaasiyiinta Ruushka ayaa lagu amray in ay Britain ka baxaan kaddib murankii diblomaasiyadeed ee ka dhashay weerar lagu qaaday Sergei Skripal oo 66,  isla markaana ka tirsanaan jiray mukhaabaraadka Ruushka iyo gabdhiisa Yulia Skripal oo 33 jir ah.

Weerarkaasi ayay Britain ku eedeysay dowladda Ruushka,  balse xukuumadda Moscow waxa ay beenisay eedeymahaasi.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka,  ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xidhayo hay’adda Britain u qaabilsan dhaqanka iyo in aan la ogolaan doonin in Britain ay qunsuliyad ka furato magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.