Araweelo News Network

Shirka Brusells ee Arrimaha Soomaalida

Brusells(ANN)-Shirka ka furmay magaalada Brusells ee dalka Biljamka oo galay maalintii labaad, ayaa dhaliyay doodo iyo muran kadib markii hoggaamiyayaasha Soomaalida ee ka qaybgalay shirka muujiyeen Khilaafka dhexdoododa.

 

Saraakiisha Qaramada Midoobe iyo Midowga Yurub oo furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in ay bogaadinayaan sida hoggaamiyaasha Soomaalida ay u ajiibeen martiqaadka loo sameeyay, balse waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin khilaafka madaxda Soomaaliya ee ka muuqday shirka oo u dhexeeya Masuuliyiinta dawladda Federaalka ee Soomaaliya Iyo Masuuliyiinta ka socda Maamul goboleedyada.

Khilaafka laga dareemay madasha shirka, ayaa soo baxay markii la arkay Madaxweynaha Maamul goboleedka Kismaayo ee Jubba Land  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Masuuliyiinta dawladda Federaalka, iyadoo Hoggaamiyayaasha Maamul goboleedyada Puntland Cabdi Weli Gaas iyo Koonfur Galbeed Shariif Sh. Xasan ay la cadhoodeen Axmed Modoobe, balse markii danbe lagu qanciyay in ay shirka soo galaan.

 

Madaxa Midowga Yurub oo ka hadlayay madasha shirka, ayaa sheegay in ujeedada shirku tahay in lagu gorfeeyo Arrimaha kaalmada bani’aadminnimo, horumarinta dhaqaalaha.  arrrimaha amniga, doorashooyinka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha dalka .

 

Haweenayda Rosemary DiCarlo oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda ayaa shirka ka sheegtay Arrimaha hoggaamiyayaasha Soomaalida, ayaa tidhi,

“Dawladda Federaalka, waxaa looga baahan yhaay inay sii wadaan dedaalkooda ku waajahan sidii loo dhisi lahaa xidhiidh adag oo waxtar leh oo ay la yeeshaan Maamuladda oo dhan, Baarlamaanka Federaalka,. Dawladdaha  xubnaha ka ah Federaalka, Kooxaha Siyaasadda iyo Ururadda Bulshadda Rayidka, kuwaasi oo looga faa’ideysan doono  Hoggaaminta dawladda Federaalka” ayey tidhi Rosemary DiCarlo.

Sidoo kale waxay sheegtay  inay arrimahaasi taageero ka geysan doonaan Deganaanshaha Siyaasadda iyo in la qaado dedaalo dheeraad oo lagu xoojinayo ka-hortagga cadaadisyadda khatarta leh ee wax u dhimaya Midnimadda.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Khaaska ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo ka hadlay Shirka Brussels, ayaa  ku booriyey Beesha Caalamka sidii Soomaaliya loogu ilaalin lahaa Ajendaha Shirka.

Shirka, ayaa galay Maanta wajiga labaad la filayaa in laga hadlo  arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha.

Shirka ayaa waxaaa goobjoog ka ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,Xildhibaano, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir madax ka tirsan Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden, waxaana la filayaa in gebagebada  laga soo saaro war-murtiyeed.