Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)-Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom, ayaa hirgelinaysa adeeg dadka macaashiisha ah u fududaynaya inay telefoonnada gacanta ku shuban karaan lacagta shillinka Somaliland (Prepaid), isla markaana loo adeegsan karo isticmaalka dhinaca internet-ka, kuwaasoo hadda lagu shubto lacagta doollarka ah oo qudha.

Shirkan jaraa’id oo ay shirkadda Telesom ku soo bandhigtay adeegyadan cusub , waxa ka qaybgalay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda ee Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), Agaasimaha Bangiga Dhexe Md. Cabdillaahi Xasan Aadan, Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Mr. Cabdikariim Maxamed Iid, Agaasimaha Xidhiidhka Guud iyo Horumarinta Bulshada ee Telesom Mr. Cabdiwahaab Maax, Agaasimaha Waaxda Ganacsiga Telesom Mr. Cabdisalaan Ismaaciil Nuur iyo Maamulka Sare ee Shirkadda Telesom.

Agaasimaha Xidhiidhka Guud iyo Horumarinta Bulshada ee Telesom Mr. Cabdiwahaab Maax oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey adeegan cusub ee ay shirkoodu bilaabayso Isniinta maanta, waxaannu yidhi; “Waxay adeegan shirkaddu ugu talogashay in macaamiisha Telesom ay ku hadalka iyo Internet-kaba kaga shuban karaan mobile-kooda isagoo ah Zaad Shillin Somaliland, halka uu markii hore doollar-kaliya ahaa. Waxaannu maanta (shalay) daah-furaynaa adeegaas Zaad Shillin Somaliland Recharge oo qof kasta oo macmiila oo mobile-kiisa shillinku ugu jiraa wuxuu awood u leeyahay inuu ku iibsado hadal ama internet midka uu u baahan yahay, sida uu doollarkaba ugu shhubto.”

Waxa kaloo uu sheegay in Telesom ay sidooda u fullin doonto qodobbadii kaga soo hagaagay go’aamadii Xukuumadda Somaliland ka soo saartay xakamaynta qiimo-dhaca shillinka Somaliland, kaasoo muddadii loo qabtay ay ku buuxdo 13 bishan March ee sannadkan 2018, isagoo xusay in lacagta doollarka ee zaadka ugu jirta dadka macmiisha ah ee ka yar $100 doollar ay marka ay doonaan laamaha kala duwan ee shirkadda Telesom, isla markaana aanay jiri doonin wax ka dhaca ama ka khasaaraya marka la gaadho muddada loo qabtay in aan lacag ka yar $100 doollar lagu isticmaali karin Zaadka.

“Xawaaladdii dibedda ee lacagta looga soo diri jiray macaamiishena danyarta ah ee loo soo diro lacag ka yar boqol doollar ($100) sideedii bay ahaan doontaa, kaliya qofka waxa iska beddelaya, lacagtaa qof kale uma diri karo, waxna kuma iibsan karo, laakiin wuxuu ku shuban karaa Bangigiisa ama wuxuu kala bixi karaa xafiiska ugu dhaw ee Telesom,” ayuu yidhi Mr. Cabdiwahaab Maax.

Waxa kale halkaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Shirkadda Teelsom Mr. Cabdisalaan Ismaaciil Nuur, waxaannu yidhi; “Marka laga yimaado adeegan cusub ee shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ee Telesom soo kordhisay, waxa kale oo aan dadweynaha ogaysiinayaa in laga bilaabo berritoole (Isniinta maanta) oo ay bishu tahay 05/03/2018 uu adeegan cusubi si rasmi ah ugu shaqayn doono macaamiisha Shirkadda Telesom.”

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Mr. Cabdikariin Maxamed Iid, ayaa isna sheegay inay fuliyeen go’aankii ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay xallinta sicir-bararka iyo sare-u-qaadista qiimaha shillinka Somaliland.

“Saddexdii qodob ee Xukuumaddu soo saartay laba ka mid ah way fuleen, ka saddexaad ee ah hakinta isticmaalka wixii boqol doollar ka yar ee wax ku iibsashada iyo isku dirku oo isna ku eeg 13-ka bishan (March) inaanu isagana in Insha Allaah aannu sidiisa u fulin doono,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Telesom.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo macaamiisha shirkadda Telesom, kalsoonida iyo taageerada mar walba ay shirkadda la garab taagan yihiin, waxa kale oo aan ugu bushaaraynayaa sidii ay nooga barteen in aanu mar walba u keeni doono hal-a-buuris cusub iyo adeeg hufan oo raaligeliya, kaas oo wax weyn ka tari doona dhaqdhaqaaqeena ganacsi iyo koboca ganacsi ee dalka.”

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) oo ka hadlay shirka jaraa’id ee lagu qabtay caasimadda Hargeysa , waxa uu uga mahadnaqay shirkadda Telesom sida ay u fulisay go’aankii ka soo baxay xukuumadda Somaliland.

“Waxa aan aad usoo dhawaynayaa amar qaadashada shirkadda Telesom ee awaamiirtii ay soo saartay Dawladdu iyo dhago-nuglaanshaha ay sameeyeen iyo xilligii oo ay wali ku taagan yihiin,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaannu intaas raaciyey; “Adeegani waa horumar cusub oo bulshada u soo kordhay, in shillinka Somaliland berritoolaba (maanta) lagu dhaqmayo. Waa arrin aad iyo aad u wanaagsan oo farxad leh, waanan ku hambalyaynaynaa Shirkadda Telesom. Ciddii meelahaa ka lahayd Telesom fulin maayaan iyagay u taalaa, waxaan Telesom ka rajaynayaa inay inta u dhimmanna fuliyaan, dadkuna ku diirsadaan, wixii beenaale ahina iska hadhaan.”
Agaasimaha Baanka Dhexe Somaliland Md. Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa iska ku ammaanay shirkadda Telesom sida ay u dhiirigeliyeen isticmaalka shillinka Somaliland, isagoo sidoo kale ku bogaadiyey Telesom inay kordhiyeen xaddiga shillinka Somaliland ee lagu qaato telefoonka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa ku ammaanay shirkadda Telesom inay soo kordhiso adeegan cusub iyo sidoo kale inay fuliso go’aamadii ka soo baxay xukuumadda Somaliland.

“Anigoo ka mid ah Guddida Madaxweynaha Somaliland u magacaabay in ay wax ka qabtaan hoos-u-dhaca qiimaha Shillinka iyo sicir-bararka ka dhashay, isla markaana ah Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolayijadda, waxa aan maanta aad iyo aad ugu faraxsanahay in shirkadda Telesom daah-furto inay fulliyeen marka koowaad go’aankii ahaa wixii ka yar boqol doollar ($100) loo beddelo Shillin-ka Somaliland, kaas oo muddadii loogu talogalay ay ka hadhsan yihiin sagaal (sideed) maalmood, iyadoo aan waqtigii gaadhin in shirkaddu ku dhawaaqday inay diyaar u tahay oo ay fullinayso oo aan aad iyo aad u soo dhawaynayno, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Dad badan waxay u fahmeen in la joojiyay lacagtii mobile-ka dhexmaraysay, lama joojin laakiin waxa loo beddelay uun lacagta aynu leenahay ee Somaliland Shillin, shirkaddu waxay intaa ku dartay iyadoo aan laga codsan in lacagta ku shubashada oo ah lacagta lagu hadlayo iyadana ay shillin ka dhigeen, markaa taana aad baad ugu mahadsan tihiin.”

“Shirkadda Telesom way ka soo baxday qaybteedii, waxaanan u sheegayaa bulshada ciddii ay ugu jirto doollar sidii hore loo sheegay lacagtaasi kama lumayso, meel kalena ka mari mayso qofka waxay ugu jiraysaa Zaadkiisa ama account-kiisa, waxaana meesha ka baxday oo keliya inuu wax ku iibsado ama qof kale u diro. Waxaan hadalkaygan kusoo gabagabaynayaa Shirkadda Telesom waxay maanta fulisay ujeedadii ay ka lahayd dawladdu oo ahayd in lacagta telefoonada dhexmaraysaa ay noqoto lacag ku shaqaysa shillinka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi.