Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGAL JET, ayaa abaalmarinno muhiim ah guddoonsiisay qaar ka mid ah shaqaalaheedii ugu hawlkarsanaa sannadkii dhammaaday ee 2017-kii, kuwaas oo ka hawgala xarumaha ay shirkaddu ku leedahay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay war xayeysiis ah oo ay soo qortay shirkadda SAGAL-JET, munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo abaalmarino lagu siiyey shaqaalaha hawlkarnimada muujiyey sannadkii 2017-kii, ayaa lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa habeenkii Jimcaha, waxaana ka qaybgalay siyaasiyiin, wasiirro, xildhibaanno, maamulka guud ee shirkadda SAGALJET, qaar ka mid ah saamileyda shirkadda, shaqaalaha kala duwan ee shirkadda SAGALJET iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas si mug iyo miisaan leh loogu faaqiday horumarka ay shirkadda SAGALJET ku tallaabsatay muddadii ay jirtay iyo habka xirfadda iyo aqoontu ku dheehan tahay ee shaqaalaha shirkaddu u qaabilaan macaamiisha kala duwan ee ay u adeegaan.

Munaasibadda abaal-marimaha kala duwan lagu guddoonsiinayey shaqaalihii kartida iyo dedaalka dheeriga ah muujiyey sannadkii dhammaaday ee 2017-kii waxa goob-joog ku ahaa, isla markaana abaall-marinada qaybtooda ka qaatay shaqaalaha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee ka shaqo-gala xarumaha ay shirkaddu ku leedahay magaalooyinka Wajaale, Burco, Berbera, Laascaanood, Hargeysa iyo caasimadda dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti oo ay shirkaddu xarun ballaadhan ku leedahay.
Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo suuq-geynta shirkadda SAGALJET Md. Sacad Cabdi Daahir oo ugu horayn halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay shirkadda SAGALJET soo martay iyo sida ay xilka iskaga saartay, muhiimadda gaarka ahna u siisay horumarinta iyo dhiirrigelinta shaqaalaha shirkadda, kuwaas oo udub-dhexaad u ah guusha ay shirkaddu waqtigan ku naaloonayso.
Xubnihii kale ee munaasibadda ka hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa Md. Cabdiraxmaan Cali Xirsi oo isagu ah La-taliyaha Arrimaha Horumarinta Shirkadda SAGALJET iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ah saamileyda shirkadda SAGALJET, waxana ay dhinacooda ku dheeraadeen sida ay shirkaddu iskaga xil-saarto daryeelka iyo dhiirrigelinta shaqaalaha gacanta ku haya hawlaha kala duwan ee ay shirkaddu bulshada u hayso, waxayna hoosta ka xarriiqeen inay shaqaaluhu yihiin laf-dhabarta hagaysa horumarka shirkadda.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey horumarka ay shirkadda SAGALJET ku tallaabsatay, waxaannu tallaabada abaalmarinnada lagu guddoonsiinayo shaqaalaha kala duwan ee hufnaanta muujiyey ku tilmaamay mid ku dayasho mudan, kana mid ah siraha horseeda inuu ganacsigu ku horumaro.
Maamulaha guud ee shirkadda SAGALJET, kana mid ah saamileyda shirkadda Md. Cabdi Yuusuf Aar oo munaasibadda hadallo kooban oo dhiirigelin iyo hogo-tusaalayn isugu jira ka jeediyey, ayaa sharraxay wadiiqooyinkii loo maray guusha ay shirkaddu gaadhay oo ay ugu mudan tahay daacadnimo ay muujiyeen shaqaalaha shirkaddu.
“Sannad kasta bilowgiisa muddo shan sanno ku siman waxa aynu qabanaynay xaflad uu shaqaale-weynaha shirkaddu isugu yimaaddo, horumarka shirkaddani gaadhayna dhayal kumuu imane shaqo adag, karti, hufnaan iyo daacadnimo, ayuu ku yimi, aniguna waxan idinku dhiirrigelinayaa in aad daacadnimada ilaalisaan oo aad waqtiga iyo shaqada daacad u noqoto oo aad hantida shirkadda iyo sirteedaba ilaaliso,” ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Aar.
Ugu dambayntii, waxa halkaas abaal-marinno lagu guddoonsiiyey siddeed ka mid ah shaqaalaha shirkadda SAGALJET oo hawlkarnimo, dedaal iyo hufnaanba muujiyey sannadkii dhammaaday ee 2017-kii, isla markaana ay macaamiisha iyo maamulka shirkaduba ka marag kaceen shaqo-wanaagooda.
Sida lagu sheegay warka xayeysiiska ee ay soo saartay shirkadda SAGAL-JET, abaal-marinta ay shirkad ahaan guddoonsiisay shaqaalaheeda dedaalka dheeriga ah sameeyey sannadkii la soo dhaafay, ayaa ah mid ay shirkaddu sannadkiiba hal mar guddoonsiiso shaqaalaheeda hufnaanta iyo shaqo-wanaagga muujiya, taas oo looga gol leeyahay in lagu dhiirrigeliyo shaqaalaha kala duwan shirkadda, isla markaana loogu abaal celiyo kuwooda dedaalka gaarka ah sameeyey.