Araweelo News Network

 

Hargaysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka Furay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargaysa Shirweynaha heerka qaran ee Shaqo-abuurka Dhallinyaradda Somaliland.

Munaasibada lagu daah-furayey shirwaynaha shaqo abuurka ee heer qaran oo socon doona laba maalmood ayay ka soo qaybgaleen haldoorka Somaliland, oo iyagu falan qayn ku samayn doona labadaa maalmood midha dhalka shirkaasi la doonayo inay ka soo baxaan, waxana halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda, wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, midawga yurub iyo hay’ado kale oo dhawra.

Shirkan oo ay si wada Jir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska, Iyo Arrimaha Bulshadda Iyo Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee Sonyo,Waxaana ka qayb galay Madax ka Tirsan Golayaasha qaranka, Qaar ka Mid ah Ururada iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Somaliland ka hawl gala.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta,Qoyska, Iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) oo Madashii furitaanka Shirweynaha heerqaran ee Shaqo abuurka Dhallinyaradda Somaliland ka hadashay ayaa sheegtay in shirweynahani yyahay kii sadexaad ee Somaliland ka qabsooma ”Shirkani waa Shirweynihii Sadexaad ee Somaliland ka qabsooma waana kii Kowaad ee ay qabato Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,anagoo ka duulayna balanqaadyadii Xisbiga Kulmiye iyo balanqaadka Madaxweynaha qaranka ee ah in Shaqooyin loo abuuro dhallinyaradda Somaliland ee ku madhay badaha iyo Saxaraha ayaanu diyaarinay anigoo ku hadlaya afka shaqo abuurka Wasaarad ahaan aanu soo agaasinay shirkan,Waxaan u mahadcelinayaa Cid kasta oo gacan ka gaystay qabsoomida shirkan oo ay ugu horayso hay’ada Save The Children,Dalladda Sonyo,Dalida iyo Midowga Yurub”.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta,Qoyska, Iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland waxaa kale oo ay ka hadashay qorsheyaasha ay Wasaarad ahaan u diyaariyeen shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland waxayna Tidhi ”Wasaarad ahaan si dhallinyaradu uga baxdo shaqo la’aanta waxay diyaarisay Siyaasado badan oo fududaynaya sidii dhallintu u heli lahayd shaqo,Waxay Wasaaradu gacanta ku haysaa Siyaasada Shaqo-abuurka kaas oo hada maraya meel gabo gabo ah,Sidoo kale Waxay Wasaaradu gacanta ku haysaa Siyaasadda Carbinta,Waxaa kale oo Wasaaradu gacanta ku haysaa Siyaasadda hawl gabka qaranka, Waxaa kale oo aanu wadnaa Siyaasada nidaamka Shaqo ka fadhiisiga,Sidoo kale Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ayaan gacanta ku haynaa, Kaas oo aanu Kaabis iyo Wax ka bedel aanu ku samaynay Isla markaana aanu dhawaan Golaha Wasiirada hor gayn doono,dhamaanba Siyaasadahaasi waxaan abuurnay mudadii koobnayd ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi talada haysay, waxaan u aragnaa in Siyaasadahan dhamaystirkoodu ay tayo u yeelayso Sidii ay dhallinyaradu shaqo u heli lahaayeen,Waxaanu tababaro kala duwan u fidinaa dhallinyarada kala duwan ee ka baxda Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha iyo Kuwa ay ka luntay wakhtigii ay wax baran lahaayeen kuwaas oo aanu siino xirfado kookooban”.

Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Waxay Tusaale u soo qaadatay hay’ad fadhigeedu yahay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo fursad wax ku ool ah u samaysay Dhallinyaradda Somaliland waxayna Tidhi ”Waxaan Tusaale u soo qaadanaya Hay’ada Kuwiytiga ah ee degen Caasimadda Hargaysa waxay dhallinyaradda ay gacanta ku hayso ee agoonta u badan bartaa Xirfado kala duwan,waxaa runtii nasiib wanaag ah in qofku marka uu waxbaarsho ku jiro mudo 18 Sannadood ah ee aanu nasiib u helin inuu shaqo ku helo in taas badalkeeda ay hay’adani dadkii ay wax bartay ay shaqo helaan sannad gudihii”.

Gudoomiyaha Dallada Sonyo Cabdi-casiis Siciid Saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin bulshada ugu badan ee Somaliland ku dhaqan ”Da’ yarta Sidii laga dhawaajiyey waa Bulshada ugu badan ee ku nool Jamhuuriyadda Somaliland 70%,Taas macnaheedu waxa weeyaan 2.7 Milyan oo Somaliland ku nool ayaa ah da’ yar taasi waxay Somaliland ka dhigaysaa qaramada ugu badan ee ay da’ yartu ku nooshahay.

Gudoomiyaha Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee Sonyo waxa uu si faahfaahsan uga warbixiyey duruufaha kala duwan ee maanta ku meersan dhallinyaradda Somaliland isagoo dalbaday in la dhiirigeliyo sidii loo fulin lahaa Shirkan heerka qaran ee shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland.