Araweelo News Network

Ra’iisal wasaare Khayre

Muqdisho(ANN)– Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay munaasabadda dib-u-howl gelinta machadka isgaadhsiinta qaranka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka qeyb qaata horumarka dalka iyo kobaca dhaqaalaha.

sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka u qaabilsan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo soo gaadhay shebekada Araweelo News Network, wuxuuna Ra’iisal Wasaare Khayre oo ka hadlaya arrintaa yidhi “Waxa aynu rabnaa in aynu la tartanno dunida, waxa aynu rabnaa dalkeenna iyo dadkeenna in aan horumarinno. Waxa aynu rabnaa in dhaqaalaha waddanka kobcinno. Dhaqaalaha wadankana lama kobcin karo haddii aan la helin dad xirfadlayaal ah. Maadaama aynu rabno in aynu dhaqaalaha wadanka kobcinno, qof waliba oo Soomaali ah uu isku filnaado, noloshiisu ay wanaagsanaato si dalka iyo dowladnimada uu u jeclaado una difaacno waxaa loo baahanyahay in dadku xirfad yeeshaan”,

Ra’iisal Wasarha ayaa aad ugu celceliyay in ay Muhiim tahay in la bedelo dhaqankii hore ee ahaa nin jecleysiga, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, laguna bedelo waxqabad iyo daacadnimo.

“Marka aynu machadka isgaadhsiinta dib u fureyno, dawladda Djibouti waxa ay maanta isugu yeedhay madaxda Afrikaanka ah si ay tusto balaayinnta doollar ee ay ku maalgashadeen ganacsiga, dawladda Kenya waxa y dhoofineysaa Shidaal, dawladda Ethiopia sidaas oo kale. Waxaa la rabaa dadka Soomaaliyeed in ay hurdada ka kacaan oo la xisaabtamo. Qabyaalada aan qarranimo ku bedelno, laaluushka iyo Musuq-maasuqa aan daacanimo ku bedelno, Fadhi ku dirirkana aan shaqo ku bedelno”, ayuu ku boorriyay ka qeyb galayaasha Munaasabadda.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dib u furitaanka Machadka ay qiima weyn ugu fadhido Hawl-wadeennada wasaaradda, dawladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku reja weyntahay in kaadiriinta lagu tababarayo Machadka Isgaarsiinta qaranka ay musqabalka horumariyaan Software aduunka loo dhoofiyo, waxa uuna ka dalbaday hey’adaha isgaaDh siinta in ay taageeraan machadka.

Machadka Isgaadhsiinta qaranka oo qeyb ka ah wasaaradda Boosta, Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyadda waxaa la’aasaasay June 28, 1976, si loogu tababaro shaqaalaha isgaadhsiinta ee isugu jira Farsamayaqaannada iyo injineerada.

—DHAMMAAD-