Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashadda in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka dalbaly guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas argagaxisadu ay fuliyeen.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in kooxda arxanlaawayaasha, ahi aanay oggolayn in naftooda qarxiyaan, sidoo kale caruurtooda aanay u ogolayn in ay is-qarxiyaan hase yeeshee caruurta Soomaaliyeed ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada iyo weerarada ay ku daadinayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in arxanlaawayaasha aanay ka shaqayn diin ee ay ka shaqaynayaan dullinnimo iyaga oo fulinaya dano shisheeye, taana ay ummadda Soomaaliyeed ku fahamtay, meelna uga soo jeesatay oo mar kale aanay ku qaldi karin fikirka gurracan ee ay ku bannaysanayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Kooxaha argagaxisada ah ayaa niyadda ku hahay in weerarkii October 14, 2017 ay tirtiri karaan dawladnimada, damin karaan iftiinka, dunidana u sheegi karaan in Soomaaliya aysan amni ahayn hase yeeshee taa bedelkeeda dadka Soomaaliyeed waxa ay ka heleen Midnimo, horumar, deeqsinimo, gacan furnaan, dal jacayl cusub, iyo in meel looga soo wada jeesto fikirka gurracan.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya