Araweelo News Network

Golaha wasiirada Somalia

Muqdisho(ANN)-Shirka Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta lagaga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sharciga Shirkaddaha iyo magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Booliiska, Nabad sugidda iyo Asluubta.

 

Ugu horeyn Shirka gollaha ayaa looga dooday ansixinta shirciga shirkaddaha ee Soomaaliya, waxaana soo gudbiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha, iyadoo dood dheer kadib ay golluhu meel mariyeen sharciga shirkaddaha Soomaaliya, waxaana uu fududeyn doonaa Nidaamka Diiwaangelinta shirkaddaha dalka ka howlgala iyo habka maalgashiga dalka.

 

Sidoo kale, shirka gollaha ayaa lagu meel mariyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

 

Gabagabadii kulanka,  ayaa lagaga hadlay ansixinta magacaabista Maareeyaha Hay’adda Isgaadhsiinta Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiinta, waxaana loo magacaabay Maareeyaha hay’adda Isgaadhsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmad, waxayna hay’addani ka shaqeyn doontaa dhaqangelinta sharciga Isgaadhsiinta iyo horumarinta Nidaamka guud ee Isgaadhsiinta dalka.

 

DHAMMAAD

 

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka

Muqdisho, Soomaaliya