Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa ibo-furay mashruuc ballaadhan oo lagu daah-furay wejiga saddexaad ee Barnaamijka maamul-daadejinta dawladaha hoose ee JPLG-da, isla markaana dib loogu qiimaynayey faa’iidooyinkii laga dheefay wejyadii koowaad iyo labaad ee Barnaamijkan oo hore u dhammaaday.

Munaabadda lagu daah-furayey wejiga saddexaad ee mashruucan oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, maaliyadda, Qorshaynta, Deegaanka iyo Waxbarashada, maayirrada magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama, xubno ka socday shan hay’adood oo barnaamijkan gacanta ku haya iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha lagu gorfeeyey faa’iidooyinkii laga dhaxlay wajiyadii koowaad iyo labaad ee Barnaamijkan iyo guulaha la filayo inuu dalka u horseedi doono wajiga saddexaad ee hadda la daah-furay.

Xubno ka mic ah golaha wasiirrada iyo Maayaradda madasha ku sugnaa oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga warramay dheefta bulshada reer Somaliland ugu jirta barnaamijkan maamulka dawlaha hoose qabtaan lagu daadejinayo, bulshadana loogu dhaweynayo adeegyada aas-aasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo isaguna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa faah-faahiyey goobaha loo cayimay in wajiga saddexaad ee mashruucan laga fulin doono, isaga oo hay’adaha qaramada midoobay ka socday ee gacanta ku hayan farriin u diray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaynu rajaynaynayaa in wajiga cusub shanta sano ee soo socda aynu gaadhsiin doonno 15-ka degmo ee hadhay, dawlad ahaanna waxanu haya’dda qaramada midoobay ee hawsha gacanta ku haya tusaynaa inaanu fidinta samaynno, iyaguna dhaqaalaha nagu taageeraan, waxana aanu ku horraysiin doonnaa labada gobol ee waaweyn ee Bariga, sannadkanna waxa aanu bilaabi doonnaa laba degmo oo A ah iyo mid B ah, si dalku uu xagga waxqabadka isugu soo dhawaado.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata madaxweyne-ku-xigeenku, waxa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada barnaamijkan laga leeyahay tahay sidii bulshada iyo adeegyada Aas-aasiga ah la isugu soo dhaweyn lahaa, isla markaana ay xukuumad ahaan diyaar la yihiin wixii dhaqaale looga baahdo inay ku kaalmeeyaan, “Annagu dawlad ahaan waxanu diyaar u nahay inaanu wixii dhaqaale nagu hagaagay inaanu diyaarinay, haddii ay tahay maamulkaa degmooyinka lagu fidinayo iyo haddii ay tahay maamul-daadejintii socotay ee ka socotay saddex degmo oo tijaabo ah oo runtii guulaystay, waxana ku biiraya laba degmo oo midi Hargeysa tahay iyo degmada Gabiley, degmooyinkaas kalena waa la gaadhsiin doonaa, waana arrin Distuuri ah oo inoo taalla in adeegga aasaasiga ah aynu hoos u daadejinno oo aynu shacabkeena u dhaweynno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wajiga saddexaad ee mashruuca maamul-daadejinta dawlaha Hoose ee JPLG-ga, ayaa socon doona muddo shan sano ah, waxana xoogga lagu saari doonaa deegaanno cusub oo bariga iyo galbeedka dalkaba ku yaalla.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland