Hargeysa(ANN)-Hay’adda Qurbajoogga JSL ayaa soo Xafiiskeeda ku qabatay kulan lagu soo martiqaaday xubno doora oo ka mid ah bulshada ganacsatada qurbajoogga ah ee meheradaha kala duwan ku leh dalka gaar ahaan Hargeysa iyo weliba xubno ka socday magaalada Boorama; iyo dhinaca kale Hay’adda Swedish-ka ah ee ForumSYD Xafiiskeeda Somaliland oo sida ujeeda shirku ahaa ka warbixisay Mashruuc Maalgelineed oo loo soo bandhigay bulshada ganacsatada qurbajooga ah ee Somaliland

Kadib furitaankii kulanka uu ka hadlay Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga, Xasan Axmed Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Sahra Maxamed Xaashi, iyo Madaxa Kayd Xogeedka iyo Diwaangelinta Axmed Yuusuf Dirir, waxa uga warbixiyay ganacsatada ka soo qaybgalay shirka saraakiil ka socotay Hay’adda ForumSYD oo ku wargeliyay ganacsatada qurbajoogga ah inay dalbadaan mashruucan maalgashiga oo dawladda Sweden maalgelisay, kana faaiidaystaan iyagoo raacaya shuruudaha ku xidhan codsiga. Saraakiisha ka socotay ForumSYD, Bashiir Mohamed Hashi iyo Ahmed Saleban Omer, ayaa uga jawaabay ganacsatada su’aalo badan oo laga waydiiyay Mashruuca, habka loo codsanayo iyo shuruudaha ku xidhan. ““Hay’addu maaha hay’ad faaido doon ah, waxa aannu ku bilawnay in aannu caawinno ama maalgelinno qurbajoogta reer Sweden, haddase qurbajoogta reer Somaliland oo dhan ayaannu maalgelinaynaa.”

Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga, Xasan Axmed Yuusuf, ayaa tilmaamay inay wax la bogaadiyo tahay in sannadba sannadka ka dambeeya uu soo kordhayo heerka maalgashiga dadka qurbajoogga ah ee ganacsiyada kala duwan maalgashanaya kaalin waxku ool ah ka qaadanaya shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Gebogebadii kulanka, waxa loogu baaqay ganacsatada qurbajoogga ah inay dalbadaan oo ka faaiidaystaan mashruucaas taageeraya maalgelinta ganacsiyada jira iyo fikradaha togan ee qorshayaasha ganacsi taasoo aan ahayn dayn balse deeq ah (Grant) loogu talo galay bulshada qurbajoogga ee Somaliland https://www.forumsyd.org/int/grants/swedish-somali-business-programme.

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland