Hargeysa(ANN)-Dhool-tus balaadhan oo ay Jidadka Magaalada Xeebta ku taalla ee Berbera ku mareen Ciidanka Ilaalada Badda Somaliland iyo Munaasibad si weyn loo agaasimay oo ka qabsoontay Taliska Ciidanka ee Magaaladaas, ayaa lagu xusay sanad-guuradii 23-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Badda 1-ad Bisha October oo ku beegan Isniinta Maanta.

Admiraal/guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha “Dawladda waxaanu ka codsanaynaa in Kharashka miisaaniyada naloo kordhiyo”

Munaasibadan oo ay Ciidanku ku soo bandhigeen Xirfad Ciidannimo, Qalab casri ah iyo Dhoola-tus ka turjumaya horumarka lagu sameeyey, ayaa waxa ka qayb-galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Admiral-guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Xubno kamida Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera iyo masuuliyiin ka socda laamaha Dawladda iyo Hay’adda la shaqeeya Ciidanka.
TALIYAHA-CIIDANKA-XEEBAHA-ADMIRAL-XIIRANE

Admiraal/guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha “Dawladda waxaanu ka codsanaynaa in Kharashka miisaaniyada naloo kordhiyo”

sanad-guurada 23-aad ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ay Askartu sameeyeen Dhoola-tus heer sare

“Maalintan waxaan u astaynay in lagu ogaado wixii Ciidanka u qabsoomay sanad kasta ee aan la iska socon” sidaas waxa Xaflada kaga dhawaaqay Admiral guuto Maxamed Xuseen Faarax oo sheegay in sanad kasta sanad-guuradan oo kale lagu qiimeyn doono Ciidanka wixii u qabsoomay, Xukuumaddana ugu baaqay in sida Ciidamada kale loo hagar-baxo Ciidanka Badda “Waxaanu xoojin doonaa Saraakiisha Ciidanka ee dibada loogu diray Waxbarashada oo iminka waxa igu maqaale ah in 5o sarkaal dibada ugu maqan yihiin waxbarasho”.

Admiral Xiirane ayaa Xafladaasi ka sheegay “Wasaarada Maaliyada waxaanu ka codsanaynaa inay miisaaniyada Ciidanka xil iska saarto oo aanay u arag wax yar oo aan macno badan lahayn” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayirka Berbera iyo Maareeyayaasha Dekedda Berbera iyo Haamaha kaydka Shidaalka oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Ciidanka Ilaalada Xeebuhu kaalin muhiim ah ugu jiraan Qaranka, isla markaana amniga badda u sugaan si hagar la’aan ah.

sanad-guurada 23-aad ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ay Askartu sameeyeen Dhoola-tus heer sare ah

“Waxa hubaal ah inay Ciidanka Baddu shaqadii looga baahnaa ka soo baxeen, oo ay Gobolka iyo guud ahaan dalka Xeebihiisa Ilaaliyaan, anaguna waa garab taaganahay” sidaas waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil oo xaflada ka hadlay.

“Haddii aan Ciidanka Baddu jirin amniga Baddeenu muu noqdeen mid lagu soo dhiirado, iminka waxa qorshaha ku jira in kor loo sii qaado tayada Ciidanka” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaalada Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.

Wasiirka Wasaarada horumarinta Biyaha Saleeban Yuusuf Cali Koore ayaa isna sheegay inay Xukuumaddu diyaar u tahay dhamaystirka dhismaha Ciidamada oo dhan iyo horumarintooda, waxaanu balanqaaday in wax laga qaban doono tabashada dhanka dhaqaalaha ee ay Ciidanka Baddu tabanayaan.

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa isna daboolka ka qaaday inaan amniga Baddaha dalku noqdeen mid la isku halayn karo, haddii aanay jirin Ciidan Qaran oo leh awood lagu sugo nabad-gelyadu. “waxa ayaan-darro ahayd in 23-kaa sanandood marnaba aan la soo hadal qaadin Ciidankan xuskiisa, laakiinse waa horumar maanta la gaadhay, waana Ciidan dhisan oo horumar badani ka muuqdo”ayuu yidhi Wasiir Gaafaadhi.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa la aasaasay sanadkii 1995-kii, waxaana digreeto Madaxweyne ku aasaasay Madaxweynihii labaad ee dalka Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyadoo wakhtigaas lagu bilaabay askartii ugu horaysay ee la qarameeyey oo ahayd 80 Askari.

23 sanno kaddib, Ciidanka wuxuu ka howl-galaa guud ahaan dhul-xeebeed cabirkiisu dhan yahay 850 Kiiloo-mitir oo laba jibaaran, waxa uu Talis-qaybeedyo ku leeyahay inta badan Deegaamada Xeebaha, Lawyo-cado ilaa Laasqoray. inkasta oo ay jirto yaraan dhanka qalabka ah, haddana waxa sanadihii u dambeeyey xawli ku socday horumarka ay ka samaynayaan dhanka Qalabka Badda lagaga howl-galo, Tababarrada iyo aqoonta Ciidanka oo ka duwan sidii ay sannado ka hor ahayd.

Dawladda Sweden, ayaa sanadkan ku caawisay Doonyo kuwa dheereeya ah oo ay kaga howlgeli doonaan Xeebaha Dalka.

Midowga Yurub iyo Dawladda Somaliland ayaa sanadkii 2014-kii kala saxeexday Heshiis rasmi ah oo lagu horumarinayo Ciidanka Xeebaha, kaasoo bilaabmay sanadkii 2016-ka.