Araweelo News Network

 

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo kormeeraya Taliska guud ee Booliska 1 March 2018

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer kedis ah saaka ku tegay taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland iyo xarunta wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xarumaha uu booqday.

Madaxweynaha oo uu booqashadiisa shaqo ay ku wehelinayeen wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa goor hore oo saaka ah ka bilaabay xarunta taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan, iyada oo uu madaxweynuhu u kuur-galay habsami-u-socodka hawlaha ciidamada Booliska iyo shaqooyinka ka socda xarunta guud ee ciidanka Booliska.

 

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland, sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa madaxweynaha u sharraxay shaqooyinka kala duwan ee xarunta ka socda, waxaana uu madaxweynuhu indhihiisa ku arkay dhisme casri ah oo dhawaan loo hirgeliyey ciidanka Booliska, taas si casri ah u qalabaysan, isla markaana qayb weyn ka qaadatay fududaynta hawlaha kala duwan ee ciidamada Booliska iyo saraakiishoodu u hayaan qaranka.

 

Sidoo kale, madaxweynuhu  waxa uu booqday xarunta guud ee wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ay halkaas kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta wasaaraddaasi, waxaana uu u kuur-galay hannaanka shaqo ee wasaaraadaasi iyo sida ay fuliyaan hawlaha shaqo ee ay qaranka u haysaa, isaga oo warbixinno ka dhegaystay wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane  Ciise Axmed Yuusuf (Xawar).

 

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa kormeerka kadib warbaahinta u sharraxay socdaalka uu madaxweynuhu ugu kuurgelayo hawlaha shaqo ee xarumaha uu booqday, waxaana uu ka bilaabay ciidamada Booliska iyo muhiimadda ay leedahay hawlaha ay qaranka u hayaan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Muddadii uu ku jirey kormeerkiisa waxa uu madaxweynuhu booqday dhammaanba dhismeyaasha kala duwan ee ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana isaga oo ku kuurgeliya xaaladda, duruufta iyo dareenka ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Somaliland oo ah ciidan hadh iyo habeenba heegan u ah amniga qaranka, Hawlgalladooduna ay yihiin kuwo hadh iyo habeenba heegan buuxa ugu jira sugidda amniga, dhiirrigelinayana shaqada ay qaranka u hayaan sidii uu wax uga ogaan lahaa, waxaana uu kormeerkiisu daarranaa dardargelinta hawlaha ay qaranka u hayaan.”

 

Af-hayeenku, waxa uu sidoo kale sharraxay kormeerka madaxweynaha ee xarunta wasaaradda Gashaandhigga iyo waxyaabaha uu halkaas kula kulmay, “Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu kormeer kedis ah ku tegay xarunta wasaaradda gashaandhigga, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey wasiirka Gashaandhigga, iyada oo hawl-maalmeedkii wasaaradduna halkaas si habsami leh uga socday, waxaana isla xarunta wasaaradda ku sugnaa maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo xeer ilaalinta guud ee ciidamada qaranka, isaga oo mid mid u maray dhismeyaasha kala duwan ee xarunta wasaaradda,” ayuu yidhi af-hayeen maxamuud Warsame Jaamac.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Af-hayeen Maxamuud Warsame Jaamac, waxa uu sheegay in kormeerka madaxweynaha ee xarumaha Booliska iyo wasaaradda Gashaandhiggu salka ku hayso sida uu madaxweynuhu muhiimad gaar ah u siinayo guud ahaanba ciidamada kala duwan ee uu qaranku leeyahay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynuhu isaga oo mudnaanta koowaad siinaya ciidamada kala duwan ee qalabka sida muhiimadda iyo ahmiyadda ay qaranka iyo dalka u leeyihiin, waxa uu xaqiijayey hawl-maalmeedka ka socday xarumaha uu booqday.“