Araweelo News Network

Hargeys(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay guddida agaasinka iyo goobaha cashuuraha ka caaggan (Free zone) ee marsada caalamiga ah ee Berbera.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii dardar-gelin loogu samayn lahaa dib-u-ballaadhinta marsada Berbera iyo casriyeynteeda, isla markaana loo gudo geli lahaa hirgelinta heshiiskii shirkadda DP World hore loola galay, ayaa lagu lafo-guray guulaha laga gaadhay sidii qorsheyaal muuqda oo la raaci karo loogu samayn lahaa gaadhitaanka yoolka fog oo ah sidii ay marsada Berbera u noqon lahayd deked casri ah oo la tallaabsata dekedaha kale ee dhiggeeda ah.

Guddiga, ayaa dhankooda madaxweynaha uga xog-warramay halka ay hawsha dib-u-ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera marayso, qorsheyaasha mustaqbalka dhaw iyo sidii loo gudo geli lahaa, loona hirgelin lahaa dhammaanba qodobbadii ku xusnaa heshiiskii ay Somaliland la gashay shirkadda DP World ee ballaadhinta dekedda Berbera.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa xubnaha guddiga uga mahadnaqay dedaalka ay wadaan iyo hawlkarnimada ay muujiyeen, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan dedaalkooda, si loo gaadho himilada guud ee uu qaranku ka leeyahay sidii ay marsada Berbera u noqon lahayd mid casri ah, isla markaana wax waliba u dhammaystiran yihiin.

Kulanka kaddib, Mudane, Cabdiraxmaan Xasan oo afka guddida ku hadlay, ayaa sharraxay waxyaabaha ay sida gaarka ah madaxweynaha uga wada-hadleen, isaga oo shacabkana ugu bushaareeyey in dhawaan si rasmi ah loo gudo geli doono ballaadhinta dekedda Berbera, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxannu u sheegaynaa inay shaqadii DP World iyo free zone-kii ay bilaabmi doonaan insha Allah oo uu madaxweynuhu dhawaan dhagax dhigi doono dekedda ballaadhinteedii, laguna dari doono 400 oo mitir oo wax kasta oo deked casri ahi lahaan jirtey leh, wixii hawlo ah ee ku xeernaa oo dhammina ay soo dhammaadeen.”

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay xubnaha guddiga Agaasinka dededaha iyo Free zone-ka, ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku gudo jiro sidii ficil loogu beddeli lahaa dhammaanba qodobbadii ku xusnaa heshiiskii xukuumaddu la gashay shirkadda DP World oo loo arko tallaabo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland hore ugu mari karo.

Wa-bilaahi Tawfiiq