Hargeysa(ANN()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  bulshada si waafi ah ula wadaagay xaaladda guud ee dalka, horumarka la gaadhay, isaga oo sidoo kalena deedafeeyey eedaymo aan sal lahayn oo hoggaanka axsaabta mucaaridku ku wiiqayaan midminada iyo wada-jirka shacabka, isla-markaana ku dabrayaan geeddi-socodka Dimuqraaddiyadeed ee dalka.

 

Muuse Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtoyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu hadalkiisa diiradda ku saaray arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka, deeqaha waxbarasho ee dawladda Itoobiya siisay ardayda reer Somaliland oo ay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridku siyaasadeeyeen iyo shir-beeleedyo qarannimada ka dhan ah oo guddoomiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID ay ku dhawaaqeen qabashadooda.

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada la wadaagay dedaalka uu madaxweyne ahaan u galay sidii doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku u qabsoomi lahaayeen iyo sida axsaabta mucaaridku, gaar ahaan xisbiga WADDANI u ragaadiyey qabsoomidda doorashooyinkaas, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Doorasho in la qabtaa waxa ay u baahan tahay in toban bilood loo diyaar garoobo, markii aynnu doorashadii hore kasoo baxnay ee aynnu xukuumadda dhisnay komishanku waxa ay isugu yeedheen axsaabta, waxana ay nasoo hor dhigeen Barnaamujkii doorashada lagu geli lahaa oo toban bilood ah iyo maalin, bil iyo toddobaad walba wixii la qaban lahaa, saddex arrimood oo kala ah laba doorasho oo isku sidkan oo tii Baarlamaanka iyo tii dawladaha hoose ah oo mid waliba sharci gaar ah hore u lahayd  sidii loo midayn lahaa labadooda sharci, ka labaadna wuxuu ahaa in lacagtii doorashadaas lagu qaban lahaa in la keeno, ta saddexaadna waxa ay ahayd in saddexda xisbi iyagaa doorasho galaye wixii saxmay iyo wixii qaldamayba iyagaa laga  doonayaa  inay keenaan soo jeedin ah halkaas waynnu ku qaldannee aynnu ka baydho, halkaasina way wacnayde aynnu sii xoojinno.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arrimaha la xidhiidha qorshaha iyo xeer isku duwidda loo xilsaaray xukuumadda, ta lacagtana waxa loo igmaday qolooyinka doorashooyinka inaga caawiya iyo xukuumadda, xisbiyadana loo diray inay doorashadii lasoo dhaafay wixii ka qaldamay iyo wixii saxmay inay keenaan, iyada loo asteeyey inay arrimahaasi soo dhammaadaan bishii lixaad (June) ee lasoo dhaafay ay dhammaadaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhammaanba qorshayaashii lagu hirgelinayey inay doorashooyinkaasi qabsoomaan uu xisbiga WADDANI si cad isu hor taagay, carqaladayntaasina kasoo bilaabantay khudbaddii uu guddoomiyaha xisbigaas, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) jeediyey markii lagu dhaqaaqay natiijadii doorashadii madaxweynenimada ee dalka ka qabsoontay sannadkii hore ee 2017-kii, waxana uu yidhi, “Wixii intaas ka dambeeyey xisbiga WADDANI waxa uu saaray qaraar uu leeyahay la shaqayn maynno komishankaas jooga iyada oo la kala diro mooyaane, sababtoo ah doorashadii hore ee madaxweynaha ayaannu wax ka tirsanaynaa, afar ilaa shan shirna waannu wada yeelannay WADDANI iyo UCID-ba, arrintaasna waannu ka doodnay oo waxan idhi taasi waa dib-u-noqosho, waxana aannu dib u baadhnay khudbaddii uu guddoomiye Cirro akhriyey maalintii natiijada doorashada madaxweynaha, dabadeedna waxannu ku nidhi taageerayaashaadii umaad sheegin in doorashadii la helayo meel dhexaad ku qabatay, waxana uu khudbaddiisaas ku bilaabay, “Umaan tanaasulin doorasho gacan-ku-rimis ah, umaan tanaasulin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, umanaan tanaasulin xisbiga KULMIYE, laakiin waxan u tanaasulay danta qaranka.”

 

Madaxweynuhu isaga oo sharraxaya sida weedhahaas guddoomiyaha WADDANI bulshada tashuushka iyo kala qaybinta ugu rideen, waxa uu intaas ku daray, “Weedha hore waxa ay deedafaysay inuu u tanaasulay xisbigii ay tartamayeen, waxana ay caddaysay inaanu u tanaasulin murrashaxii ay tartamayeen, haddii aanay labadii murrashax isu tanaasulinna tanaasul muu dhicin. Muu fasaxin doorashadii oo muu odhanin sidaas la igaga helay baan u hanneeyee wuxuu yidhi umaan tanaasulin doorasho gacan-ku-rimis ah, shaki baanu geliyey doorashadii,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu xusay inaanu madaxweyne ahaan awood u lahayn inuu kala diro komishanka doorashooyinka, balse ay arrintaasi sharci ahaan marayso jaran-jarrooyin badan oo u baahan caddaymahooda iyo qaneecadooda, islamarkaana uu madaxweyne ahaan hore u qaaday tallaabooyin badan oo lagaga badbaadi karo dib u dhac doorasho, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Komishanku waqti buu leeyahay, aniguna ma kala eryi karo, Cirro-na wuu u ogyahay sida loo eryo komishanka, waana waddada ugu adag oo iyagaa Baarlamaanka ka adag, marka la kala dirayona iyaga oo isku dhan lama kala diri karo, mid mid baa eryi karaa, qofkana waa lasoo eedaynayaa, guddi baa loo saarayaa, haddii ay guddidaasi isku raacdo madaxweynuhu tallaabo ma qaadi karee Baarlamaankaa loo gudbinayaa, cod baana loo qaadayaa, guddida la saarayo iyo aniga oo guddida la leeyahay saarba waa inaan ku qancaa waxa lagu soo eedeeyey, tii ahayd inay xisbiyadu soo qoraan wixii xumaaday iyo wixii wanaagsanaaba xisbiga WADDANI wuu diiday inuu asalba arrintaas ka hadlo, UCID iyo KULMIYE way qoreen, ururrada bulshadana waa lagu daray, anigana waa la ii keenay oo golaha wasiirrada ayaan geeyey, waana la ansixiyey, imikana waxa ay la taallaa Baarlamaanka.”

 

Madaxweynuhu waxa uu bulshada reer Somaliland u caddeeyey in qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanku u xayiran tahay xisbiga WADDANI, “Tii dhaqaalaha lix iyo toban milyan baa la yidhi, afar baana la yidhi xukuumaddu ha bixiso, laba hasoo hor mariso, labana marka ay dhexda marayso ha bixiso, inta kalena deeq-bixiyayaasha ayaa bixinaysa, labadii xukuumadda qabtay bishii Maaraj ayaa la iga shubay. Xisbiga WADDANI waa la sugayaa inta uu gu’aan gaadhayo, doorashadiina waxa ay u daldalan tahay go’aanka WADDANI,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hadlay deeqaha waxbarasho ee ardayda reer Somaliland ugu deeqday dawladda Itoobiya oo hannaanka loo qaybiyey ay doodo ku fureen hoggaamiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, waxana uu uga digay inay bulshada u horseedaan xumaan iyo tafaraaruq midnimadooda dhantaalaya, waxana uu yidhi, “Labadii xisbi ee mucaaridka ahaa waxa ay ka hadleen deeqda waxbarasho ee Itoobiya ina siisay, haddii aanad xumaan doon ahayn oo aanay guddoomiyeyaashu meel xun wax ka eegaynin oo ay hoggaamiyayaashii qaranka yihiin waxa looga baahan yahay inay waxyaabaha fidnada iyo naca dadka ku dhex abuuraya ay in badan ka wareegaystaan, mana aha inay iyagu dadka farta ugu fiiqaan oo ay yidhaahdaan balaayaa jirta, waayo umaddii hoggaamiyaashaas daba socotay colaad bay qaadanaysaa, waxana ay kari karayeen inay u tagaan wasiirka waxbarashada oo ay ogaadaan nidaamka wax loo qaybiyey, dabadeedna ay yidhaahdaan halkaasay wax ka qaldantay.”

 

Shir-beeleeddada ay hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ee UCID iyo WADDANI beryahan ku tiraabayeen qabashadiisa, ayuu sidoo kale madaxweynuhu si adag uga hadlay, isaga oo wax laga yaq-yaqsoodo oo sharciga baalmarsan ku tilmaamay shirarka Beelaysan ee ay hoggaamiyayaashaasi bulshada lasoo hor fadhiyaan, “Labada guddoomiye ee xisbiyada WADDANI iyo UCID-ba waxa ay ku dhawaaqeen inay shir-beeleed qabanayaan, guddoomiye xisbi oo umaddu boqolkiiba afartan (40%) dooratay sida uu shir beeleed ugu dhalanayaa aniga way ila qaldan tahay, ummadayse dhex taallaa, taasna waxan ka taaganahay dadku markay is qabtaan xeerkay ku kala baxaane saddexda guddoomiye xisbi ee aan ka mid ahay kii ku dhawaaqaba waxa ka dhalanay dambi sharci, annaguna KULMIYE ahaan shir-beeleed xisbi ku dhawaaqaya ma nihin, xisbiga ku dhawaaqana waxannu leenahay kaa qalad oo marxaladdaas waynnu ka gudubnay oo distoor baynnu ka samaysannay, nin walbana Somaliland oo dhan baa isku raacday, shir-beeleedna waa dib u noqosho oo maanta looma fadhiyin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

— 

     
 
 
                    Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somalilan