Araweelo News Network

Wasiir Hinda Gaani

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inay tiro-koob ku samaysay dhammaan shaqaalaha ajnebiga ah ee ka hawlgala degaannada kala duwan ee dalka.
Sidaana waxa shaaca ka qaadday Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi oo kulan xog-waraysi ah la yeelatay Guddiga Joogtada ee Golaha Guurtida.

Wasiirka oo hortagtay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa xildhibaannada warbixin faahfaahsan ka siisay waxyaabaha u qabsoomay muddada kooban ee xilka wasiirnimo haysay, waxaanay sheegtay inay tirokoob rasmi ah iyo qiimayn ku sameeyeen shaqaalaha shisheeye ee ka shaqeeya dalka Somaliland.

“Waqtigii aan immi Wasaaradda waxaan bilownay 13 January/2018 in aannu guud ahaan tiro-koob ku sameyno qaranka Somaliland shaqaalaha ajaanibka ee dalka ka hawlgala, iyada oo ay nagu kelliftay intii aan wasaaraddaba la ii igman inay maskaxdayda in badan ku soo noqnoqonaysay shaqaalaha aan ahayn muwaaddiniinta iyo kuwa muwaaddiniinta reer Somaliland ee shaqo la’aantu ku dhacday runtii inay tahay wax aad u kala fog, waqtiyada qaarna aan is-idhaa goobaha ay shaqeynayaan dadka ajaanibka ah, malaha bulshadeenna qaar ayaaba kaga xariifsan,” ayey tidhi Wasiir Hinda Jaamac.

Sidoo kale, wasiirka oo xildhibaannada Guurtida u sharraxaysay qaab-dhismeedka wasaaradda ay madaxda ka tahay iyo waax cusub oo ay ku soo kordhisay, waxa ay tidhi; “Inta waaxood ee ay wasaaraddu ka koobnayd waxa aan ku kordhiyey hal waax oo aan u arkayey inay muhiim u tahay qaranka Somaliland, waaxdaas oo ahayd Waaxda Naafada oo aan gebi ahaanba hore u jirin, si guud ahaaneed waxay ugu dhex jirtaa Waaxda Arrimaha Bulshada.
Laakiin, maadaama naafadu yihiin dad aad u tiro badan, bulshadana nooc walba ka leh, waxaan dareenkayga ka gartay inuu dareemi karo dhibaatadooda, xogtooda dhabta ahna heli karo qof naafo ah. Sidaa awgeed, waxaan aan Agaasimaha Waaxda Naafada u magacaabay wiil ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, isla markaana ka mid ah dadka naafada, aqoonna leh oo shaahadada master sita.”
Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada oo ka xog-warramaysay waxyaabaha u qabsoomay muddada kooban ee ay xilka haysay, gaar ahaan dhinaca taakulaynta qoysaska saboolka ah iyo carruurta darbi-jiibka, waxa ay intaa sii raacisay, “Runtii waxa noo qabsoomay waxyaabo aad u fara badan oo wanaagsan, guddina waxaan u diray gobollada dalka. Waxay hawsha ka soo bilaabeen Boorama, waxayna ku gaadheen Gobolka Sanaag. Dhammaan guddiyadaasi waxay keeneen warbixin ama soo celiyeen.
Tallaabadii koowaad, waxa aannu ka qaadnay magaalo-madaxda Hargeysa, waxaanuna ku booqannay annaga oo u dalbanay oo u qornay baahiyaadka qoysaska carruuraha badan haysta, ee aan hoyga haysan, ee aan gogosha haysan, ee dhaxanta jooga, IDPs-ka Naasa-hablood iyo 31 May in aannu u qaybinno 222 qoys waxyaabihii Ilaahay noogu soo dhiibay.
Sidoo kale, waxa noo qorsheysan, welina baadi-doon ugu jirnaa gobollada warbixintii laga keenay in aannu iyagana ka jawaabno. Waxa aannu tallaabo ka qaadnay carruurta darbi-jiifka ah ee waayey daryeelkii waalidnimo oo waqti xun oo dhaxan ah ku jira, runtiina dawladdu u sameysay qorshe loogu talogalay in carruurta lagu dhaqan-celiyo. Xarun ayaa ku taalla magaalada Hargeysa la yidhaa Maxamed Mooge, shaqaale ayaa ku qoran, miisaaniyad ayaa qaranku ugu talogalay.”
Waxa kaloo ay marwo Hinda Jaamac Gaani intaas ku dartay; “Annaga oo ka duuleyna in aannu ka turjunno baahidii qaranku ugu talogalay in aannu daboolno, waxaannu ururinnay carruur fara badan. Maanta boqol qof ayaa ku jira, maalintii aan xarunta la wareegayna waxa ku jiray 62 inan iyo 9 hablood, halka aan kaga kordhiyey tirada dhan 29-ka ah ayaan ku kordhiyey, halkaasi oo runtii aannu isku daynay baahidooda, sida carruurtayda aannu guryahayaga kaga nimi aannu u daboolno. Waxaan u qabtay macallimiin ka caawiya xagga tarbiyadda iyo diinta ama dhaqan-celinta suubban ee Islaamka. Sidoo kale, waxaan u kordhiyey macallimiin u dhiga maadooyinka maadiga ah. Waxaan ka soo beddelay in badan oo ay ka cawdeen, waxaanan u kordhiyey waxyaalihii ay iiga cawdeen oo ahayd in maraqu ka yar yahay oo aanay waqti dheer helin. Waxaan u joogteeyey maalin kasta oo Jimce ah in loo qolo shan neef.

Waxa kale oo ay ka cawdeen in aanay marnaba dalxiis ugu bixin, cidnana aanay la kulmin oo ay xerada uun ku egyihiin, markaa waxaan u saaray dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee January inay dalxiis ku tagaan magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxana loo qaaday masaariiftooda, hudheellada laga soo qadaysiiyo, gaadiidkana waxaan uga dalbay iskuulka agoomaha ee Kuwait-ga oo naga caawiyey, waanan uga mahad-celinayaa iyaga iyo intii kale ee naga taageerayba,” ayey warbixinteeda ku soo afmeertay Wasiir Hinda.