Araweelo News Network

Hudheelka AQOONSIGA ee Faransiiska oo lagu qabtay maalinta Qaranimadda Somaliland

Paris(ANN)/Cali Ismaaciil Xasan oo ah Safiirka Somalikand ee Dalka Faransiiska, ayaa sheegay in xukuumada Faransiisku diyaar u tahay wada shaqeyn dhow oo dhexmarta dalkeena, isla markaana jiraan dedaalo labada dal ku xoojinayaan iskaashiga u dhexeeya.

Safiirka JSL u fadhiya dalka Faransiiska oo munaasibad casho-sharaf lagu maamuusayey maalinta Qaranimada Somaliland ku casuumay 33 xubnood oo isugu jiray masuuliyiin ka socotay xukuumada Faransiiska, xildhibaano, khubaro siyaasadaha caalamka, suxufuyiin warbaahinta Faransiiska ayaa si weyn loogu bogaadiyey horumarka Somaliland gaadhay.

Munaasibadan oo horaantii usbuucan lagu qabtay mid ka mid ah hudheelada ugu caansan Faransiiska laguna magacaabo AQOONSIGA ayaa qoraal ka soo baxay xafiiska safiirka JSL ee Faransiiska Md. Cali Ismaaciil oo soo gaadhay xarunta wargeyska Dawan, lagu bilaabay;

Md. Cali Ismaaciil Xasan oo khudbad ka jeediyey madashii casuumada lagu maamuusayey maalinta Qaranimadda JSL ee ka dhacday Hudheelka Aqoonsiga, si qoto-dheer faahfaahin uga bixiyey taariikhdii dib-ula-soo-noqoshadii madaxbanaanida Somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa,

“Jamhuuriyadda Somaliland, heerka manta ay taagan tahay ee caalamka intiisa badani qirsan yahay waxay ku soo gaadhay isku-tashi xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray iyo shacabkeedu ugu guntadeen inay u istaagaan horumarinta dalkooda, caqabado kastoo la soo gudboonaadayna, aakhirkii ku guulaysteen inay dhistaan wadan ay u dhan yihiin dhamaan shuruudahii uu beesha caalamka kaga mid noqon lahaa.

Safiir cali ayaa raaciyey muhiimada koowaad ee xukuumadihii iyo shacabka Somaliland ku tuuntuunsadeen inay dhistaan waxay ahayd xasilooni iyo nabadgelyo ay ku naaloodaan, isagoo sheegay,

“Hantida koowaad ee xukuumadihii iyo shacabka Somaliland dhisteen waxa ugu mudnaa nabadgelyo iyo xasilooni dalkoodu gaadho, taasoo fure u noqotay in tiro badan wadamada iyo shirkadaha caalamku la yeeshaan iskaashi iyo maalgashi ay ku sameeyaan, sida shirkada DP World. Xidhiidh qoto dheer ayaa u dhexeeyo Faransiiska & Somaliland, oo dhinac walba xiisaynayo balaadhintiisa. Sheyga keliya ee shacabka Somaliland marti u yihiin waa qiritaanka horumarkooda, & in beesha caalamkuna aqbasho xuquuqdooda qarniyada ka maqnayd.

Munaasibada oo xubnahii marti-sharafta ka soo qeybgalay qaarkood ka hadleen ayaa sidoo kale ka hadlay diblomaasi hore uga tirsanaa wasaarada Arrimaha Dibeda Faransiiska, isla markaana goobjoog ka ahaa shirweynahii Boorama ee 1993-gii Md. Alain Peloux,, isla markaana safiirka JSL ee Faransiiska Md. Cali ismaaciil ku soo casuumay sannadguuradii 25aad ee Maalinta Qaranimadda Somaliland, ayaa hadal dheer ka jeediyey isbedelka dhinac walba ah ee Somaliland ka gaadhay, marka la eego heerkii ay taagnaayeen sannadkii 1993 iyo wakhtigan, isla markaana mudan in caalamku u qiro, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa,

“Shirkii Boorama ee 1993-gii iyo munaasibadii 25guurada oon ka qeybgalay waxuu muujinayaa isbedelka dhaxalgalka ah ee xukuumadihii kala duwana iyo shacabka Somaliland u dhisteen dalkooda, taageero dibadeed la’aanteed, waxaan odhan karaa Somaliland waa dal iyo dad mudan in la aqoonsado, weliba Faransiisku hogaamiyo.”

Madaxda telefishanka France 24, qeybtiisa Africa oo madsha ka hadlay ayaa sheegay inay qorshaynayaan xarun ay ka samaystaan Somaliland, sida idaacadaha BBC iyo VOA , wada hadaladeediina u socdaan masuuliyiinta qaabilsan.

Munaasibada ayaa ku soo dhamaatay xilli martidii ka soo qeybgashay xog buuxda oo la xidhiidha xaalada guud ee Somaliland ku heleen, isla markaana dhamaantood qireen inay dhinacooda ku biirin doonaan dedaalada Somaliland ugu jiro meeqaam ay beesha caalamka kula masowdo.

Xigasho: Dawannews.