London (Araweelo News)- Telefishanka faaqida horumarka Ganacsiga iyo Tijaaradda ee la yidhaahdo the Arise Global Business Report, ayaa warbixin dheer oo uu baahiyay 15-kii Bishan, waxa uu kaga hadlay shirkadaha shiidaal baadhista ka wada dalka iyo shirkii Maal-gashiga iyo Ganacsiga Somaliland ee toddobaadkii hore lagu qabtay dalka Ingiriiska.

“Shirkaddaha shidaalka adduunka ayaa mar kasta raadiya gooba cusub oo ay saliid ka soo saaraan ,kuwaas oo u tartamaya inay shiidaal ka soo saaraan dalka Somaliland oo xuduud la leh Ethopia , dadka ku nool waaxa lagu qiyaasa 3.5 million, Somaliland waxay dawladnimadeedii dib ula soo noqtay 1991-kii oo ka hoos baxday Somalia ,waqti xaadirkan Somaliland waxa dalal badan rabaan inay maal-gashadaan,”ayaa lagu bilaabay warbixinta Telefishanka the Arise Global Business Report uu ka baahiyay Somaliland 15-kii bishan October 2014.

Weriye ka socday Telefishankaasi oo la yidhaahdo Phil Gayle, ayaa waraysi uu la yeeshay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaalle, waxa uu ugu horayn weydiiyay inuu uga waramo shirkadaha shiidaal baadhista ka wada dalka xiligan, waxaanu ku jawaabay “Waxa Somaliland jooga oo shiidaal baadhis ka wada afar shirkadood oo caalami ah, kuwaas oo aan siinay liisan waxaanay kala yihiin Genel energy oo ah shirkadda laga leeyahay a Ingriiska iyo Turkiga , DNO oo ah shirkadda Norwegian ah iyo labba shirkdood oo barriga dhaxe ah , Reg Gas LLC , iyo Ansan.”

Wasiirka Tamarta oo la weydiiyay su’aal ahayd haddii ay shirkadahaasi shiidaal ka helaan dalkiina ma waxa yeelanaya Somaliland mise Soomaaliya, waxaanu yidhi “Waxa yeelanaya Somaliland,waa dal 23 sanadood dawlad jirta ahaa ,awood kastoo dowladi leedahayna leh, Somaliland wixii khayraad ah ee dalkani leeyahayna waxaa uu gacanta ugu jiraa maamulkeeda ,sidaa awgeedna, waxaa shidaalka iska leh haddii uu soo baxo Somaliland.”

“Shirkadaha aan liisanka siinayna waa qaar gaar loo leeyahay, liisankana umay doonan Muqdisho ee waxay yimaadeen Caasimadayda Hargeysa kuwaas oo liisanka heshiiskiiska halkaas kula saxeexday Xukuumada Somaliland, ma aha Soomaaliya,”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle.

Phil Gayle, waxa uu Wasiirka Macdanta iyo Tamarta wax ka weydiiyay sida ay arrinta shiidaal baadhistu u hirgeli karto mar haddii aan Somaliland weli la aqoonsan, waxaanu kaga jawaabay “Sax laakiin waa ay garanayaan caalamku in laba gumayste ay kala haysteen Soomaaliya xukumi jireen Talyaanigu iyo Somaliland oo ahayd Maxmiyad Ingriisku xukumi jiray.”
.

“Somaliland wali lagama aqoosan qarramada midoobay balse ,waxay adduunka kula macaamishaa dawaladnimo oo xafiisayada xidhiidhka la leh Soomaaliya kuwa gaar ah bay Somaliland u sameeyaan sida Ingriiska , Djbouti , Ethopia , Kenya oo dhawaan xafiis ka furatay Hargeysa,”ayuu intaas raaciyay Wasiirku, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Sidaa awgeedna dalal badan oo qarramada midoobay ku jirtay ayaa noola macaamila dawalad kaligeed taagan oo aan aheyn Muqdisho.”

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay shirkii maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland toddobaadkii hore lagu qabtay magaaladda London, waxa uu yidhi “Si fiican buu u dhacay shirkaasi,waxaanan ka helnay rajo fiiican kuwaasoo xidhiidh fiican la yeelanaya daneeyasha maal-gashiga Somaliland. Illaa dhawr shirkadood baa diyaar ah inay maal-geliyaan dhinacyadda Tamarta, Soolarka , Dabaysha , iyo Beeraha markaa wax badan baa nooga hirgalay inaan gaadhsiino maalgashadayaasha caalamiga ah.”