“Kor u qaadista maal-gashigu waa arrin iska leh waayaheeda iyo daruufaha ku xeeran, hase yeeshee sida la jaan-qaadka leh ee loogu agaasimay xaaladaha iyo dhaqanka Somaliland waa fursad wanaagsan oo lagu gaadhi karo guul,” Erayadan, waxa ay hordhac u ahaayeen qormo ka hadlaysa maal-gashiga Somaliland oo ku soo baxday wargeyska The Guardian toddobaadkan.

Qormadaasi oo uu qoray Adam Smith oo aad u dheerayd waxa ka mid ahaa “Beesha caalamka ayaa si isa soo taraysa ugu soo jeedsatay Geeska Afrika, arrintaasi oo soo jiidatay indhaha, waxaanay hay’adaha horumarinta ay u hamuun qabaan inay ka faa’Iidaystaan socodka maal-gashiga koritaanka dhaqaalaha dartii.

Somaliland waxa ay leedahay ganacsi hodan ku ah xoolaha nool oo ay u dirto Khaliijka sanad kasta milyan neef oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Adhi. Barta ay ku taallo oo ah gacanka Cadmeed oo ah goob faa’iido leh ayaa ka dhigtay inay marin u noqoto Itoobiya iyo Geeska Afrika iyada oo lays dhaafsanayo dhammaan noocyada badeecadaha iyo adeegyadaba.

Dhinaca isgaadhsiinta waxa ay hoy u tahay isgaadhsiinta telefoonada moobillada oo ah kuwo jaban oo laysku helayn karo. Waxaa intaa dheer shirkadaha maaliyadeed ee xawaaladaha caalamka. Sida Dahabshiil oo kale oo sannadkii kala horta adduun gaadhaya $ 800 oo milyan ah oo ka yimaada qurbo joogga, kaasi oo quudiya dhaqaalaha isla markaana xoojinaya maal-gashiga gudaha.

Waxa jira maal-gashadeyaal aan badnayn, balse soo kordhaya oo u badan qurbo joog, inkasta oo ay weheliyaan kuwo dhinacyo kala ahi. Sannadkii 2012 horaantiisii shirkadda sharaabka ee fadhigeedu yahay Jabuuti, oo ay qayb ka yihiin guruubka Osman Geelle ayaa ku maalgalisay $ 17 milyan warshadda Kokaha, waana ta keliya ee ugu ballaadhan Somaliland tan iyo 1991.”

Wargeyska oo ka hadlayay shirkadaha maal-gashi ayaa yidhi, “Shirkadda fadhigeedu yahay UK, Invicta Capital iyo Jacka Resources oo ah shirkad Austaraliya ah ayaa haatan ku howlan maalgashiga sahaminta saliida iyo horumarinta. Waxa kale oo jira shirkado kala oo iyana hawlo ka wada maalgashi kala duwan.”

Dhinaca xukuumada waxa uu ka qoray, “Dawladda ayaa danaynaysa inay ka faa’iidayso howlahani, isla markaana ay soo jiidato kuwo kale oo badan, iyada oo ujeedadu tahay kobcinta dhaqaalaha iyo yaraynta saboolnimada iyo sida oo kale dhiirigelinta hantida gaarka ah si ay ula jaanqaado qorshaha qaran ee horumarineed.”

Dhinaca kale qoramada Adam Smith waxa ay leedahay, “Somaliand waxa ay model (tusaale) u tahay degganaansho iyo nabada gobol aanay labadaasi midina ka jirin, taasina ma aha mid ay moogan yihiin reer Galbeedku.

Haddaba iyada oo ay soo kordhayaan indhaha caalamka oo ku soo maqan Geeska Afrika degganaanshaha awgeed ayaa hay’adaha horumarintu waxa ay kor u qaadayaan saamayntooda Somaliland.

Miisaaniyadda horumarineed ee UK ay siiso Soomaalida ayaa 60% waxa ay gashaa Somaliland, waxaana arrinkaasi yoolkeedu ku abbaaran yahay horumarinta qaybaha gaarka ah.

“Hay’adaha iyo ururada u diyaar ah Somaliland haddaanay qaarkood horeba gudaha uga hawlgalinba waxa ka mid ah DfID, Baanka adduunka, FAO, hogaamiyeyaasha dunida ee ka qaybgalay shirkii London 2012, ILO, USAID, Swedish International Development Cooperation Agency iyo kuwo kale.

Waxa kale oo dhaqdhaqaaqyada socda soo raaca dawladda Ingiriiska oo sida oo kale taageerro siisa Somaliland development corporation oo ah hay’ad si gaar ah ay u wadaagaan dawladda Somaliland iyo muwaadiniin caan ah oo isugu jira British iyo Somalilander, taasi oo loogu tallogalay in ay siiso saaxad ammaan ah maalgashadeyaasha caalamiga ah iyo qurbo jooggaba si ay uga hawlgalaan Somaliland, ugana gudbaan wixii carqalado ah.

Wargeyska The Guardian waxa uu qormadiisa ku soo afjaray ,”Si kastaba ah ahaatee, maadaama ay jiraan duruufo ay leedahay Somaliland oo ku xeerani , waa inay iyana jiraan siyaabo u gaar ah oo ay iska leedahay oo ay xalalka uga gaadho waxyaabaha ka horyimaada.

Somalilander-ku meel kastaba waxa ay muujiyeen inay khibrad u leeyihiin wadaajinta ama isku darka hababka ay soo tijaabiyeen kuna hawl-galeen iyo caadooyinka, dhaqamada iyo muuqaallada galbeedka ee xidhiidhinaya labada dhinac iyada oo mid kastaba lug lagula jirayo.”