jawaari
Mogadishu(ANN)Muranka iyo loolanka u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia, ayaa sii xoogaysanaya, waxaana shalay loo gudbiyay Shirgudoonka Baarlamaanka Somalia Mooshin ay ku saxeexan yihiin 140 Xildhibaan oo doonaya in xilka laga qaado Raysal Wasaaraha Somalia.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa diiday in uu qabto mooshinkaa ay ku saxeexan yihiin 140-ka xildhib, balse waxa loo dhiibay mooshinkaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka. Sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, wuxuuna ku tilmaamay sababta Guddoomiye Jawaari u qaban waayay mooshinka in ay tahay, maadaama uu Madaxweyne Xasan Sheekh safar dhinaca Dalka Ethiopia ah ku maqanyahay, isla markaana Guddoomiye Jawaari yahay ku simaha sii haya xilka Madaxweynaha.

“Guddoomiyaha Baarlamaanka Jewaari ma qaban karo Mooshinka, maadaama uu yahay hadda yahay ku simaha Madaxweynaha, isla markaana Madaxweynihii Xasan Sheekh uu dhinaca dalka Ethiopia ku maqan yahay, haddii Jawaari qabto mooshinka waa mid lagula xisaabtami doono” ayuu yidhi xildhibaan Jeesoow.

Mar uu ka hadlayay mudanayaasha ku saxeexan mooshinka ay doonayaan in xilka lagaga xayuubiyo Raysal Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed iyo sida ay ugu adag yihiin go’aankooda wuxuu yidhi, “140 Xildhibaan ayaan ku gudbinay Mooshin ka dhan ah Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, waxaana ridaynaa Todobaadka soo socda marka uu Madaxweynah DFS uu dalka kusoo laabto” ayuu yidhi Mudane Jeesow.

Hase yeeshee tiro kale oo gaadhay 65 Xildhibaan oo arrinta Mooshinka Raysal wasaaraha kasoo horjeeda, ayaa dhinacooda xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa oo ku taal Madaxtooyadda Villa Somalia, waxayna si adag uga soo horjeesteen Mooshinka la gudbiyay ee la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Raysal Wasaaraha Somalia.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada taageersan Raysal waasaraha, isla markaana kasoo horjeeda in mooshin xilka lagaga qaadayo loo gudbiyo Baarlamaanka, ayaa warbaahinta u sheegay in ay si adag uga soo horjeedaan mooshinkaa, isla markaana ay jawaab ka bixinayaan.

Hase yeeshee Wakiilka Khaaska ah ee Qaramada Midoobay Mr. Nickolas Kay, oo si weyn uga soo horjeeda in xilka laga qaado Raysal Wasaaraha, isla markaana todobaadkii hore kasoo saaray khilaafka qoraal lagu xardhay weedho xanbaarsan baaq hanjabaad iyo dugiin ah oo ay ka cadhoodeen Madaxweyne Xasan sheekh iyo kooxdiisa, ayaa sheegay in khilaafka sii xoogaysanayaa aanu ahayn mid dan ugu jirto Somalia, isla markaana meesha ka saarayo rajadii iyo dedaalkii beesha caalamka, wuxuuna Mr. Kay sheegay in Khilaafka waqtigan ee Madaxda Dawlada Federaalka ee Somalia sidii xal loogu heli lahaa la kaashanayo Dowladda Ethiopia, isagoo taas sabab u dhigay in Madaxda dalka Somalia ay wax ka maqlaan Xukuumadda Addis Ababa oo ay u dhega nugul yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay ka dhoofay Muqdisho, ayaa ku sugan Adis-abab, waxaana socdaalkiisa lala xidhiidhiyay mid uu taageero ugu raadinayo dagaalka uu kula jiro raysal wasaare Cabdiweli, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda marka uu ku laabto Muqdisho ay Baarlamaanku guda gelayaan khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, iyadoo kooxda mooshinka gudbisay oo oo kala badh xubnaha Baarlamaanka ah, ay ka go’antahay in daaqada laga saaro Raysal Wasaaraha Somalia, balse wakiilka qaramada midoobay ee Somalia iyo qaar ka mid ah dalalka gamcaha kula jira Siyaasada saldhigi weyday ee Somalia, ayaa ku kala qaysan arrinta khilaafka ee Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha, balse waxa la dhawrayaa najiida marka Madaxweyne Xasan Sheekh ku laabto Muqdisho ee ay fadhiistaan Baarlamaanka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com