igadMogadishu(ANN)Urur Goboleedka IGAD ee xaruntiisu tahay Magaalada Addis ababa, ayaa indhaha ka qarsaday xaalada sii xumaanay ee khilaafka Madaxda Sare ee Somalia oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaarihiisa Cabdiweli Sheekh Axmed, kuwaas oo khilaafkoodu gaadhay halkii u saraysay.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha waxa ka hadlay Dublamaasiyiinta Dalalka Reer galbeedka iyo weliba Ergayga Khaaska ah ee Qaramada Midoobay Mr. Kay, kuwaas oo booqashooyin xidhiidh ah maalmihii u danbeeyay ku tegayay Magaalada Muqdisho, balse Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhegaha ka furaysatay dhawaaqyada Dublamaasiyiinta Dalalka waaweyn ee arrimaha Somalia ku milani doonayeen in xal loogu helo khilaafka, taas oo sababtay in dawlada Maraykanku si badheedh ah u sheegatay in aanay ka qaybgelayn shir ay Dalalka Beesha Caalamka ee taageera Somalia u qorsheeyeen, kaas oo lagu qabanayo maalmaha soo socda Denmark, balse Dawlada Maraykanku waxay sheegeen in aanay ergay u dirayn shirkaa, taas oo lala xidhiidhiyay khilaafka Madaxda Somalia.

Warar laga soo xigtay Ilo wareedyo Dublamasiyadeed oo ay soo xigatay Shebekada Araweelo News Network, ayaa sabab uga dhigay in ay Khilaafka Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha Somalia ka gaabsato IGAD, mid la xidhiidha ka mid ahaanshaha Ciidamada ka jooga Somalia ee dalalkaa oo ujeedooyin kala duwan oo siyaasadeed ka leh Somalia, taas oo sababtay in ay ku kala ragati duwanaadaan, isla markaana ku kala qabysamaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafkaa.

Dalalka ku bahoobay IGAD oo ah Urur Goboleedka Bariga Afrika, waxa ka mid ah Ethiopia, Uganda, Kenya, Djibouti, waxayna Afartaa Dal ciidamadoodu ku jiraan Somalia, iyadoo Ciidan walba gaarkiisa u socdo, isla markaana wato siyaasada Dalkiisa eek u waajahan Somalia, taas oo sababtay in ay ku kala qaybsamaan khilaafka Madaxda dawlada Somalia.
khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaarihiisa Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa soo ifbaxay 25 Sep, 2014, balse Baarlamaanka Somalia, ayaa 11 Sep 2014 loo gudbiyay mooshin la doonayay in xilka lagaga qaado raysal wasaaraha, kaas oo suurtagal noqon waayay kadib markii ay awooddi waayeen Baarlamanku in ay meel mariyaan Mooshinkaa oo ay golaha horgeeyeen xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh, balse buuq iyo sawaxan gacan ka hadal isu bedelay ayaa sababay in la xidho fadhiga sidaana lagu kala dareero.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com