gabdhaha Naigeria ee Boko xaraam muslimiyeen1

Mubi (ANN)Ninka Hoggaamiyaha ururka Boko Haraam ee dagaalka kula jira dawladda dalka Nigeria Sheekh. Abubakar Shekau, ayaa xaqiijiyey in dagaalyahankoodu guursadeen gebi ahaanba Gabdho 219 (laba boqol iyo sagaal iyo toban) Gabdhood oo ay ka afduubteen April 2014 woqooyiga dalkaa.

Sidaana waxa uu ku sheegay hoggaamiyaha ururka Boka Haran, Veido maqal iyo muuqaal ah oo uu soo saaray saacadihii lasoo dhaafay, kadib markii ay Gabdhahaasi qaateen diinta islaamka, isla markaana yihiin xaasas u dhaxay rag ka mid ah ururkiisa oo ay si farxad iyo raaxo ah ugu noolyihiin guryahooda, cid kalena aanay u baahnayn.

“Hablahaas waannu wada guursanay dhammaantood, waxayna si farxad leh ula nool yihiin raggooda. Miyeydaan ogayn in dhammaantood ay qaateen diinta islaamka, hadda ay xafidsan yihiin ilaa laba jis oo qur’aanka kariimka ah,” ayuu yidhi hoggaamiyaha ururka Boko Haram.

Dawladda Nigeria, ayaa dhawr jeer ku celcelisay hadal ah in xoriyadooda loo soo celin doono hablaha yaryar ee ururka Boko Haraam ku haysto afduubka muddo toddoba bilood ah, iyadoo dawladdu sheegtay inay waanwaan xabbad-joojin ah la gaadheen ururkaas, kana shaqaynayaan sidii xoriyadooda loogu celin lahaa gabdhaha afduubka loo haysto. Kadib hawlgalo ciidamada Milateriga Nigeria ku qaadeen deegaamada ay maamulaan Booko Xarraam oo guuldaraystay.
Masuulka u hadlay Booko Xaarraam, waxay sidoo kale sheegeen inay afduub ahaan u haystaan nin u dhashay dalka Jarmalka, kaasoo ay ka qabsadeen dhinaca Waqooyi Bari ee dalka Nigeria July ee sannadkan 2014.

Boko Haram, waxay waxba kama jiraan ka dhigeen wararka sheegayay in ay xukuumadda heshiish xabad joojin ah la galeen, kadib markii xukuumaddu dhowaan sheegtay in uu jiro heshiis u dhexeeya kooxdaa Booko Xaarraam iyo Xukuumadda Madaxweyne Goodluck Jonathan oo doonaya in dib loo doorto February.

Ururka Boko Xaarraam oo dagaalo ka wada Woqooyiga Dalka Nigeria, waxay maamuulaan dhawr magaalo oo muhiim ah, waxayna weli dagaal iyo weeraro hubaysan ka waddaan gobolo ka mid ah dalka Nigeria ee galbeedka Afrika, kuwaas oo weeraradoodu sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, isla markaana khalkhal ku haya guud ahaanba ammaanka dalka Nigeria iyo dalalka galbeedka Afrika.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com