Copenhagen Conference
Copenhagen(ANN)Shirka lagaga hadlayay arrimaha Somalia ee ka socday Magaalada Caasimada u ah Dalka Denmark ee Copenhagen, ayaa lasoo gebagebeeyay. Kadib laba maalmood oo uu ka socday halkaa.

Shirka waxa lagaga hadlay mustaqbalka Somalia ee aan rajada fiican lahayn iyo qorshihii beesha Caalamka ee higsiga la doonayay in Somalia gaadho sanadka 2016, horumar iyo doorashooyin xor ah oo ay qabato xukuumadda talada haysa ee beesha Caalamku juhdiga baddan gelisay, balse waxa uu shirku kusoo beegmay, iyadoo ay yar tahay rajada dhinaca nabadgelyada, higsiga dumuqraadiyada iyo dib u heshiishiinta Somalia oo waqtigan xaalada amaanku sii xumaatay, isla markaana uu jiro khilaaf cakiran oo u dhexeeya Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Raysal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh, kuwaas oo weli xal loo layahay khilaafkooda, taas oo sababtay in dawlada Maraykanku joojisay ergaygii shirkaa uga qaygeli lahaa.

Ajandaha shirka oo lagaga hadayay arrimo baddan oo ay ka mid yihiin hiigsiga qorshaha beesha caalamka ee marka la gaadho sanadka 2016 iyo sidii loo heli lahaa dhismaha maamul goboleedyada oo dhamaystiran, hirgelinta nidaamka federaalka, waxyaabihii laga qabtay mudadii lasoo dhaafay, dib u eegista dastuurka dalka iyo arrimo kale oo la xidhiidha, meel marinta qorshaha Dumuqraadiyada, Arrimaha Nabadgelyada, Budhacad-badeeda, la dagaalanka Argagixisada, Doorka Ciidamada AMISOM, Xoriyadda Saxaafadda, gaadhitaanka Doorashooyin xor ah iyo dhismaha Hay’addaha dawlada.

Sidoo kale waxa lagaga hadlay Wadahadaladii u dhexeeyay Dawlada Somaliland iyo Dawlada Somalia, kuwaas oo lagu soo qaaday shirka, balse waxa shirkaa oo aanay madaxda Beesha Caalamka qaarkood ka iman ergooyin lagu soo qaaday walaaca beesha Caalamku ka qabto khilaafka Madaxda Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibada Denmark Martin Lidegaard ayaa mowqifka bulshada Caalamka ee ku waajahan khilaafka Madaxda dowladda kusoo qaaday shirkaa, isagoo muujiyay wal walka ay ka qabaan xiisada siyaasadeed ee uu sababay khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia.

“Waxaan madaxweynaha u gudbinay wer-wera ugu muhiimsan ee aan ka qabno xiisada dowladda ka dhex taagan, waxaan ku dhiira gelinay inay raadiso midnimo iyo xasilooni siyaasadeed, iyadoo la eegayo danta ummada Soomaaliyed, waxaa loo baahan yahay hogaan siyaasadeed, waxaan rajeyneynaa in shirkan Copenhagen uu si cad u diri doono fariinta bulshada caalamka ee gacan ka geysashada dhismaha Nidaamka Federaal Soomaaliya oo madax banaan, dimoqraadi ah iyo fariinta kale khilaafka siyaasadeed in xal loo helo”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Denmark. Martin Lidegaard.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Debeda UK ayaa dhinaciisa mar uu ka hadlayay shirkaa muujiyay sida ay uga wal walsan yihiin khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia, wuxuuna ugu baaqay in madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ay wada shaqeeyaan inta ka hadhsan waqtiga dowladda si doorasho ay dalka u dhacdo.

Hase yeeshee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaa ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa ka hadlay wer-werka Beesha Caalamka eek u waajahan xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa isaga iyo Raysal Wasaarihiisa, balse wuxuu ku adkaystay mawqifkiisii hore ee ahaa in sharciga iyo Distuurka dalka lagu kala baxayo oo ay hey’adaha sharciga ee dowladu kala saari doonaan isaga iyo Raysal wasaare Cabdiweli oo sida uu xusay ku kala duwanaaday fekerka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlaya arrintaa, wuxuu yidhi, “Waxaa laga hadlayaa mar walba waa siyaasad waa lagu kala aragti duwanaadaa hey’addaha sharciga wali howsha gacanta ayay ku hayaan, howshana waa mid Soomaali iska leedahay, Soomaali ayay u taalaa inay xalisato, Beesha Caalamka ra’yi inay na siiyaan waaye, waxaana rajeyneynaa in wada hadal, is qancin iyo dimoqraadiyad ayaa lagu kala baxayaa”ayuu yiidhi Madaxweynaha Somalia oo u muuqday in aanu waxba ka bedelayn mawqifkiisii hore ee uu ka taagnaa arrintaa oo horeba ugu gacansaydhay beesha caalamka.

Shirkaa oo laba maalmood socday, ayaa lasoo geba-gebeeyay maanta, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 24 qodob, kaas oo lagaga hadlay mustaqbalka Somalia, waajibaadka dawlada iyo sidii Somalia cageheeda isugu taagi lahayd marka la gaadho sanadka 2016, isla markana doorashooyin xor ah uga dhici lahaayeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com