Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Cali Maxamed Warancade oo ah La Taliyaha dhinaca amniga ee Somaliland, Isla markaana hore u ahaa Wasiirka Artimaha gudaha Simaliland, ayaa ka digay shirqool lala maagan yahay Somaliland, isagoo xusay in inqilaab uu sheegay inuu ka socdo Xarunta dawladda Federaalka ee Soomaaliya uu dhinac socdo shirqoolka lagu wadi Somaliland.

 

 

Warancade, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Inqilaabka ka socda Xamar waxaa dhinac Socda mid lala maagan yahay Somaliland, oo ay Gacan ku leeyihiin Dowladdo shisheeye oo qayb ka ah Inqilaabka hubeysan ee ka socda Maamulka Muqdisho dhexdiisa.

Dowladda Qadar waxay si indho la’aan ah ugu dhex hurineysaa Geeska Africa, iyadoo Garab ka helaysa dowlado kale oo ay xulafo ku yihiin Dagaalka khaliijka colaad foolxun

Waxaa xusid mudan in Boqorka Qadar isla maalintii la saxeexay heshiiskii Berbera ee dhexmaray somaliland iyo imaaraadka  uu si degdeg ah ugu soo magacaabay Somaliya Mudane Hassan Hamza Hashim in uu noqdo (Extra-ordinary Ambassador) Ninkaasi oo ah khabiir weyn oo ku Takhakhusay howlaha kharbudaada iyo dagaalada Sokeeyaha sida loo farsameeyo in badana ku dhex jiray qulqulatooyinka Afqaanistaan.

Sidaa awgeed waxaan u soo jeedinayaa bulshada reer Somaliland in ay indhaha ku hayaan hagardaamooyinka Maamulka Somalia iyo xulafadiisu u soo maleegayaan Reer Somaliland kana foojignaadaan” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Ali Mahamed Waranade.