Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa ka qaybgashay Shir Caalami ah oo dhacay Dalka Shiinaha, kaas oo la xidhiidhay Maalgalinta Kheyraadka dihin eeTamarta Afrika.

Shirkaa oo socday muddo laba maalmood ah waxa diirada lagu saaray sidii iskaashi dhinaca Tamart ah u dhex mari lahaa qaarada Afrika iyo Dalka Shiinaha, waxaana Shirka lagu soo bandhigay fursadaha dihin ee yaala qaraadka afrika ee u baahan maalgalinta Shiinaha.

Sida lagu sheegay Qoraal kooban oo ka soo baxay Waaxda Isgaadhsiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, waxa dhinaca Somaliland shirkaasi uga qaybgalay safiirka iyo sarkiil kale.

Shiinaha ayaa taageera awoodda Africa ee dhismaha tamarta, waxayna siinayaan tababar khibrad u leh shaqaalaha hay’addaha maamulka, machadyada cilmi-baadhista iyo shirkadaha muhiimka ah si loo hagaajiyo kartida Afrika ee horumarinta iyo maamulida nidaamyadooda tamarta Afrika.

Mudadii uu shirku socoday ayey safaraadda Somaliland ee dalka Shiinaha ku soo bandhigtey warbixin la xiidhiidha kaalinta ay Somaliland qaadan karto iskaashiga Afirka iyo Shiinaha ee dhinaca maalgalinta waxayna tilmaameen inay Somaliland leedahay kheyraad dihin oo dhinaca macdanta, Xoolaha kaluumaysiga dalxiiska Beeraha Wershedddaha, kuwaas oo fursad u ah dhinaca shaqo abuurka dalka oo keeni karta kor u koboca dhinaca dhaqaalaha, waxayna warbixintooda ku xuseen in Somaliland ku juquraafi ahaan ku taal meel ku wanaagsan oo ku haboon ka faa’iidaysiga maalgashiga Shiinaha.

 

Shirka ayaa loogu magac daray China Africa Green Energy Cooperation Opportunity Forum, waxaana ka soo qaybgalay 25 Safiir oo ka socoday qaraada Afrika oo ay Somaliland ku jirto. Sidoo kale waxa ka qaybgalay ku xigeenka duqa caasimadda dalka Shiinaha Bayjiin iyo danayeyaaal dhinaca maalgashiga ah.

Shiinaha iyo Afrika waxay xoojin doonaan wadahadalka siyaasadeed iyo is-weydaarsiga farsamada ee ku saabsan tamarta iyo ilaha dhaqaalaha, isku duba ridka istiraatiijiyadaha tamarta iyo kheyraadka kale, samaynta cilmi-baadhis wadajir ah, oo sameeya qorshayaasha horumarinta tamarta ee la shaqeynaya xaaladaha degaanka.

Labada dhinac waxay wada shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa Xarunta Iskaashiga Shidaalka ee Shiinaha iyo Afrika si loo sii hormariyo is-weydaarsiga tamarta iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Afrika iyo China waxa ka dhexeeyaa iskaashiga dhinaca dhaqaalaha re maalgashiga oo sii xoogaysanayey sanadihii dambeyey, balse Somaliland nasiib uma helin in ay hesho fursadaha maalgashiga ee mashaariic malaayiin dollar  ah oo dalal badan oo Afrika ah uu ka fuliyay China.