Araweelo News Network

Wasiirka Hawlaha Guud oo caddeeyey in dabogal iyo baadhis lagu samaynayo dhulka iyo guryaha dawladda ee sifo aan sharci ahayn loo bixiyey

Cabdirashiid Ducaale Qambi

Hargeysa (ANN)- Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay guud ahaan maayarrada magaalooyinka kala duwan ee dalka ka mamnuucday bixinta, sharciyeynta iyo naqshaydanta dhulka bannaan.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay , ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku joojiyey guud ahaan bixinta, shacriyeynta iyo naqshaydanta dhulka bannaan eek u yaal magaalooyinka Somaliland.

“Ma jirayo wax dhul ah oo la qorshaynayo afarta bilood ee soo socda, haddii yahay dhul-beereed ama ha noqoto dhul magaalooyinku gaadheen… waannu ka daba tegaynaa oo waannu daba gelaynaa wax allaale wixii dhul ah ama dhisme dawladeed ah ee ku baxay sifo sharci-darro ah oo aan la waafajin shuruucda dalka u yaal, wixii laalaab ku jira, wixii la dhacay, wixii mugdi la geliyey, wixii la tirtiray ee dhul ama guryo hanti dawladeed ahaa, dhammaantoodba waannu daba soconnaa, cid kasta oo sharci-darro ku haysatana, cid kasta oon sharciga waafajin iyo cid kasta oo dhul dawladdu leedahay masaxday ama iib khaldan ku baxay ama si khaldan loo meel-mariyey, iyaga laftooda diiwaangelin iyo dabo-gal xaqiiq ah ayaannu u daba soconnaa,” ayuu yidhi Wasiir Qabmi oo ugu horreyn iftiiminayey qorsheyaal cusub oo wasaaraddiisu u dejisay arrimaha dhulka.

Waxa uu intaa sii raaciyey, “Waxa aad arkaysaa shaqsi ganacsigiisu yahay dhulka oo leh ama haysta ilaa boqol jago, 50 jago, ilaa 80 jago, 20 jago ilaa 5 jago oo bannaan, qof kaasna uu camalkiisuba yahay inuu dhulka ka ganacsado. Wax yaab leh haddii qofka muwaaddinka ah ama danyarta ah uu is yidhaa dhul doono, waxa dhacaysa in dhulku ka qaalisanaado dhismaha uu dhisi lahaaba, taasoo dhibaato weyn ku haysa ummadda. Waxa aad arkaysaa dhul aan magaaladaba ka fogayn oo lagu kala iibsanayo lacag dhan $100 kun oo doollar ama $50 kun oo doollar, ka ugu yarna uu yahay $30 kun oo doollar, taasoo keentay in aannu muwaaddinka danyarta ah dhulba yeelan karin, arrinkaasina dhibaato weyn ayuu ku hayaa dadka.”

Waxa kaloo uu sheegay in khilaafaadka ka dhasha murannada dhulka ay yihiin waxyaabaha ugu badan ee sababa amni-darrada ka dhacda dalka, isagoo xusay in ilaa intii Somaliland madaxbannaanida la soo noqotay dhulku keenay dhibaatooyin badan oo isugu jira naf iyo maalba.
Intaa kadib waxa uu halkaas ka akhriyey wareegtooyin culus oo uu maayarrada dalka kaga xarrimay dhammaan hawlaha la xidhiidha arrimaha dhulka bannaan ee magaalooyinka Somaliland.
Wareegto Wasiirka Hawlaha Guud ku socodsiiyey maayarrada magaalooyinka, badhasaabadda gobollada iyo taliska ciidanka booliska Somaliland oo xambaarsan amarro adag oo ku wajahan arrimaha dhulka, waxa ay u dhignayd sidan:

“Waxa la amrayaa dhammaan maayirrada magaalooyinka, gudoomiyayaasha gobollada dalka. Waxa la ogeysiinayaa mulkiilayaasha dhulka beeraha ah ee magaaladu gaadhay, Agaasimaha Guud ee WHG/DH & Guriyaynta, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddida Heer Qaran ee Nashqadaha Dhulka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland in maanta laga bilaabo la joojiyey sharciyaynta iyo qorshaynta dhulka bannaan ee magaalooyinka dalka iyo bixinta danta guud.

Wasiirka WHG/DH/Guriyeynta, ahna Guddoomiyaha Gudiga Qaranka ee Naqshadaha Guud iyo Guddoomiyaha Guddida Dib-u-soo-celinta Gacan-ku-haynta iyo Tasarufka Dhulka iyo Guryaha Dawladda;
Markaan arkay: Qodobka 3aad, 4aad iyo 5aad ee Xeerka Dhulka, Xeer No. 17/2001.

Markaan arkay: Qodobka 8aad ee isla Xeerka Dhulka oo tilmaamaya jago-bixinta ka reebban dawladaha hoose, faqraddiisa 1-aad & 2-aad oo u dhigan sidan: ‘Maamulka dawladdaha hoose waxa ka reebban inay bixiyaan dhul ku yaal meelaha: macdanta, dhul-bereedka, xeebaha iyo meelaha danta guud loo qorsheeyey.’

Markaan arkay: Qodobka 43aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, faqraddiisa 2aad ee qeexaya waxa ka reebban guddi-hoosaadyada, una qoran sidan: guddi-hoosaadyada golaha degaanka waxa ka reebban inay saxeexaan dukumanti la xidhiidha

• Dhul-bixinta
• Mulkiyadaha Dhulka
• Waraaqaha caddaynta, xaqiijinta, hubinta iyo ansixinta soo-eegis dhul.
Markaan arkay: Xeerka Madaxweynaha ee summaddiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014 ee soo celinta, gacan-ku-haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda.
Markaan ku qancay: Boobka iyo weerarka lagu hayo dhulka danaha guud iyo guryaha dawladda.
Waxaan soo saaray go’aannadan:
1. Waxaan joojiyey laga bilaabo maanta  qorshaynta iyo sharciyaynta dhulka bannaan iyo beeraha.
2. Dawladaha hoose ee dalka waxa ka reebban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta oo uu yahay sida ku cad: Qodobka 3-aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer No. 17/2001.
3. Waxa ka reebban dawladaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday danta guud ee laga jaray beeraha dadweynaha.
4. In aan la iibin karin, la hibayn karin, laysku wareejin karin, lana dhalan rogi karin dhismayaasha dawladda, sida ku cad wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dib-u-soo-celinta gacan-ku-haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda, ciddii ku kacda arrimaha qodobkan ku qoranna kuma yeelan doonto magdhaw xukuumadda.
5. Masuuliinta ku xadgudba arrimaha dhulka waxa qaban doona xeerka ciqaabta ee ku xusan Xeerka Dhulka, Xeer No.17/2001, Qodobkiisa 29-aad, faqraddiisa 1-aad iyo faqraddiisa 2-aad.
Qoraalkani wuxuu dhaqangelayaa maanta ay taariikhdu tahay 3/01/2018 [shalay], sidaa darteed waxa lagu wargalinayaa dhammaan hay’adaha dawladda ee ay khusayso digreetadani iyo mulkiilayaasha beeraha inay dhawraan, isla markaana ilaaliyaan sharciga iyo xeerarka dalka u yaal.”
Sidoo kale, Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ku amray maayarrada dalka inay si degdeg ah ugu soo gudbiyaan wasaaraddiisa naqshadaha magaalooyinka kala duwan ee ay xukumaan.
“Waxa la amrayaa dhammaan Maayirrada magaalooyinka, Guddoomiyayaasha Gobollada dalka, waxa la ogeysiinayaa Agaasimaha Guud ee W/HG/DH & Guryaynta, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddida Heer Qaran ee Nashqadda Guud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland;
In maanta  laga bilaabo dawladaha hoose soo gudbiyaan naqshadaha guud ee magaalooyinka ay xukumaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Anigoo tixraacaya warqadda summaddeedu tahay JSL/XM/WAREEGTO/01/122017, kuna taariikhaysan 14/12/2017, ujeeddadeeduna ahayd in maamulka dhulku yahay mandate-ka (shaqada) Wasaaradda Hawlaha Guud, kana soo baxday xafiiska Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, si loo dardargaliyo waajibaadka iyo adeegga shaqo ee wasaaraddu u qabato shacbiga Somaliland, iyada oo la raacayo, laguna dhaqmayo xeer No. 17/2001 Xeerka Sharciga Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, lana fulinayo wareegtadii Madaxwaynaha ee dib-u-soo-celinta gacan-ku-haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda. Sidaa awgeed, waxa la idinku wargelinayaa inaad soo gudbisaan naqshadaha magaalooyinka iyo liiska dhulka danaha guud ee aad haysaan idinka oo u kala saaraya:
1. Danaha guud ee aad kala wareegteen golihii degaanka ee idinka horreeyey.
2. Danaha guud ee idiin soo xarooday muddadii aad xilka hayseen.
3. Magacyada cidda iska leh beeraha ay ka soo xaroodeen danaha guud iyo beer kasta cabbirka dhulka ee laga jaray iyo naqshadahooda.
4. Degmada/waaxda ama goobta ay ku taal.
5. Tirada danaha guud ee hadda la hayo iyo tafaasiishooda idinkoo u kala tixgelinaya
• Goobaha cibaadada (masaajidada iyo malcaamadaha)
• Goobaha waxbarashada (noocyada kala duwan ee dugsiyada iyo jaamacadaha)
• Goobaha caafimaadka (cusbitaallada iyo MCH)
• Saldhigyada booliska, xabsiyada iyo wixii la mid ah.

Sidaa daraadeed, waxa maayirrada mar labaad lagu adkaynayaa in ay hawshan ku soo dhammaystiran ilaa 15/01/ 2018, iyaga oo hal nuqul oo danaha guud ah ku xaraynaya xafiisyada WHG/DH/Guriyaynta ee gobol ama degmo, mid kalena soo gaadhsiinaya xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud.

Waxa xusid mudan in aynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (Dhul qof looga qaaday dan guud in qof kale aan loo siin karin dan gaar ah),” ayuu Wasiir Qambi ku yidhi wareegtadiisa.