Araweelo News Network

Axmed Muumin Seed Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed, ayaa ku dhawaaqay inay degaannada kala duwan ee dalka ka bilaabayaan mashruuca dadka beeralayda ah lagaga caawinayo qodaalka dhinaca beerahooda, kaasoo qayb ka ah taakulaynta la doonayo in loo fidiyo dadka ay abaaruhu ka dhameeyeen xoolaha nool.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo saxaafadda kula hadlay xarunta Wasaaradda Beeraha ee caasimadda Hargeysa , waxa uu soo bandhigay tirada qoysaska beeralayda ah ee la doonayo in laga caawiyo dhinaca qodaalka iyo saacadaha qoys walba la siinayo.
“Waxa aannu ku dhawaaqaynaa in saacadaha aan kala soo wareegay Guddiga kasoo kabashada abaaraha oo aannu u qodi doono gobollada dalka oo ay shacbiweynaha reer Somaliland sugayaan muddadii oo taagan maanta aannu qodi lahayn dalagga wax-soo-saarka. Runtii waddankeeni waa waddan aad iyo aad u ballaadhan, sida aad ogtihiin xoolihiina way ka baxeen shacbigweynaha reer Somaliland oo ay yaraadeen, sidaa darteed waxa aannu ku kabaynaa inay dadku wax-soo-saarka awoodda badan saaraan, maadaama waqti roobaadkii aynu ku jirno oo roobkiina aad innoogu bilaabmay,” ayuu yidhi Wasiirka Beeruhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Markaa waxa aan shacbiweynaha reer Somaliland oo dhan ku boorrinayaa sida ay waddankooda wax ugala soo bixi lahaayeen, oo runtii aynaan ku tiirsanaanayn cunto iyo khudaar dibedda innooga timaadda. Sidaa darteed, annaga oo taa ka duulayna, waxa aan maanta (shalay) ku dhawaaqayaa in aan gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan ka qodayno saacado kooban – oo ka kooban ilaa sagaal kun oo qoys aannu u qodi doono, oo qoys walba aannu u qodayno saddex saacadood oo u dhiganta toddoba iyo labaatan kun oo saacadood.”

“Saacadahaas dadka loogu qodayo beeraha oo gobollada dalka oo dhan laga bilaabi doono, waxa ugu horreeya Gobolka Maroodi-jeex, Togdheer, Saaxil, Awdal, Gabiley, Hawd iyo Daad-madheedh, qodaalku waxa uu ka bilaabmi doonaa maalinta Salaasada ee bishan toban tahay (10/04/2018). Gobollada Sarraar, Sool iyo Sanaag-na waxa uu ka bilaabmi doonaa 11/April/2018 oo ku beegan maalinta Arbacada, haddii Ilaahay yidhaah,” ayuu yidhi Wasiir Axmed Muumin Seed.

Waxa kaloo uu sheegay in mashruucan la xidhiidha wax-soo-saarka ay iska leeyihiin dadka beeralayda ah oo qudha, waxaannu yidhi; “Saacadahaas la qodayo ee aannu ugu talogalnay dadka beeralayda ah, waxa mas’uul ka noqonaya dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda oo ku sameyn doona dabagal, waayo waxa aannu rabnaa qof kasta ee saddex saacadood loo qodayo, magaciisa iyo saacadaha loo qoday iyagu data-da (xogta oo buuxda) ay keenaan.”
“Taas oo runtii waayadii hore ama sidii loogu talogalay marka hore cuqaasha ama odayaal ka talin jireen, laakiin iminka xaaladdan wax ka beddelnay, waxa wada xidhiidhi doona Isu-duwaha Gobolka ee Beeraha iyo Badhasaabka Gobolka iyo cidda beeraha loo qodayo oo ay Wasaaraddiina la soconayso, aniguna aan kormeer noqon doono, oo aan daba taagnaan doono, oo qof walbana marka saacadihiisa loo qodo ee cagaftu ka baxdo, magaciisa iyo beertiisa magaceedana la soo qori doono, taas oo aannu doonayno in qofkasta wixii loogtu talogalay beer kasta ay gaadho,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland.

Md. Axmed Muumin Seed, ayaa sidoo kale ka hadlay kala duwanaanshaha dhinaca cimilada ee gobollada dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Runtii qodaalku waqti ayuu leeyahay oo bariga iyo galbeedka cimiladu way kala duwan tahay oo anigu beeralay ayaan ahay. Iminka galbeedka oo kale waqti badan ayaannu haysanaa oo dayrtii iyo gu’gii oo dhammi wuu noo hadhsan yahay, degaananda barigana waqti kooban ayaa noo hadhay, iminka Sool iyo Sanaag waqti kooban ayaa noo hadhay, markaa iyaga Arbacada ayey ka bilaabmaysaa qodista beeruhu. Markaa waxa la qodayaa waa Gallay, Hadhuudh, Tukhun iyo Digir, intaas ayaa inoo baxaysa oo waddankeena lagu cunaa, oo wax kale laguma cuno.”

Wasiirka Beeraha, ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradiisu ay subax kasta bulshada reer Somaliland la socodsiinayso hadba sida xaaladaha roobku yihiin, iyadoo la adeegsanayo saadaasha hawada.
“Waxa aan iyadana shacbiweynaha reer Somaliland u shaacinayaa, sida aad ka wada dheragsan tihiin, Wasaaradda Beeruhu waxay u igman tahay in xaaladda roobka subax walba idinla socod siiso. Saaka  subaxdii, mas’uulka saadaasha hawaddu waxa uu ii keenay inuu roobku aad u badanayo 13/April/2018 iyo 14/April/2018 ee innagu soo aadan oo inoo di’i doona roob aad u badan, sida aannu saadaasha saaka ka aragnay, iyada oo ay gacanta Ilaahay wax waliba ku xidhan yihiin, haddana waa aqoon aynu baranay oo aan wax dambi ah lahayn.

Markaa waxa aannu ugu baaqaynaa dadka, ciidanka nabadgelyada iyo ciidanka booliskaba in waddooyinka gobollada bariga iyo galbeedka ee isu-socodka gaadiidka taxadir badan laga yeesho, 13/April/2018 ilaa iyo 14/April/2018 labadaas maalmood roob aad u weyni dalka ka da’ayo, sida ay saadaashu saaka ku caddaysay. Markaa taas waxaan ugu baaqayaa in mas’uuliyadeeda aad iyo aad la ciidanka nabadgelyada waddooyinka iyo ciidanka booliskuba isaga xil-saaro, si loo illaaliyo dhibaatooyinka daadadku inoo geystaan maalmaha ay socdaan,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.