Araweelo News Network

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Cali Maax oo ku sugan Degaanka Malawle ee Qoysaska Beeraha loo qodayo

Hargeysa(ANN) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Cali Maax oo ay weheliyaan Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Cabdi, Xoghayaha fulinta ee Gobolka, Guddoomiyaha Degmada Cadaadley iyo Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Maroodi-jeex Cabdirisaaq Muxumed Gaboobe, ayaa Maanta Deegaanka Malowle oo dhanka galbeed kaga beegan CaasimadaHargeysa ku daah-furay qaybinta dhaqaalaha Beeraha loogu qodayo Beeralayda dan-yarta ah ee aan awoodin inay Beeraha qotaan, si ay uga faa’idaystaan Raxmaadka Alle ee Dalka ka curtay.

Munaasibadda lagu daah-furay qaybinta Saacadaha qodaalka ee Beeralayda lagu taageerayo oo maanta lagu qabtay deegaanka Malowle ee duleedka Hargeysa , waxa ugu horreyn hadal ka soo jeediyey isku-duwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdirisaaq Muxumed Gaboobe, waxaanu sheegay in Wasaaradda Beeraha oo dedaal ugu jirta in Beeralayda laga caawiyo Qodaalka Beeraha ah ay Dadka Danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Malowle u qaybisay Dhaqaalaha ay ku qodanayaan Beeraha, isla-markaana Qoys kasta loogu talo-galay in loo qodo Saddex Saacadood.

Isku-duwe Cabdirisaaq wuxuu sheegay in Wasaaradda oo aan horeba uga gacan la’ayn Beeralayda deegaanka Malowle ay Beeralayda loo qodayo Beeraha ay ku kormeeri doonto, si loo eego in Beeralayda laga taageeray Qodaalku ay sidii la rabay u tabcadeen iyo in kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Cali Maax oo ku sugan Degaanka Malawle ee Qoysaska Beeraha loo qodayo

Guddoomiyaha Deegaanka Malowle Mr. Xaashi, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo in Dadka Deegaanka uu Maamulo, gaar ahaan intooda Danyarta ah Qoys walba loo qodo Saddex Saacadood oo Dawladda oo Wasaaradda Beeruhu wakiil ka tahay bixinayso Dhaqaalaha ku baxaya.

Guddoomiyaha deegaanka Malowle oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Beeruhu ay 50 Qoys oo ka mid ah kuwa Danyarta ah mid walba u qodayso Saddex Saacadood, sidaasi darteed ay soo dhaweynayaan, sidoo kalena codsanayaan in deegaanka loo sameeyo Biyo xidheen, si ay Biyaha Roobka uga faa’idaystaan.

Guddoomiyaha Degmada Fara-weyne oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Degmada Faraweyne ka kooban tahay 40 tuulo, laakiin 20 Tuulo nasiib u heleen inay ka qayb-galaan Mashruuca ka soo kabashada Abaaraha ee Dadka Beeraha loogu qodayo, sidaasi darteedna ay Maamul ahaan Dawladda iyo Wasaaradda Beerahaba ku bogaadinayaan, waxaanu Dadweynaha ugu baaqay inay ka faa’idaystaan Roobka oo ay Beeraha qotaan “Dadka Itoobiyaanka ahi waxay innagu yidhaahdaan Beeralay ma tihidin, sababtoo ah marka Roobka da’ayo Guryahaad ku yaacdaan Annaguna waxaanu ku yaacnaa Beeraha..” ayuu yidhi, isagoo Beeralayda Wacyi-gelinaya “Markaa waxa loo baahan yahay inaynu Raxmaadka Alle ka faa’idaysanno…”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Cali Maax oo isaguna halkaas hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda beeruhu ay Qorshaha Dadka lagu taageerayo uga gol leedahay in Dadka Beeralayda ah lagu dhiirigeliyo inay Dhulka ku foorarsadaan oo ay wax la soo baxaan, si loo gaadho isku filaansho dhanka Cuntada ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeruhu wuxuu guud ahaan Beeralayda Somaliland, gaar ahaan kuwa Deegaanka Malowle ee loo bilaabay qodaalka Beeraha ku wacyi-geliyey inay xilli Roobaadka ka faa’idaystaan oo dedaal u galaan sidii ay wax soo-saar ballaadhan u samayn lahaayeen.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa Wasaaradda horumarinta Beeraha ku bogaadiyey Dedaalka ay ugu jirto kobcinta Wax soo-saarka iyo Qorshaha lagu taageerayo Beeralayda Danyarta ah, waxaanu soo jeediyey in dedaalka halkaas laga sii wado, halka uu Beeralaydana ku adkeeyay inay dhulka aaminaan oo ay wax soo-saar la yimaaddaan.

Munaasibadda lagu daah-furay qaybinta Dhaqaalaha Wasaaradda Beeruhu siinayso beeralayda Danyarta ah ee Qoys walba loogu qodayo Saddexda Saacadood, ayaa waxa ka hadlay Xoghayaha fulinta ee Gobolka Maroodi-jeex, Guddoomiyaha Degmada Cadaadley oo ah Afhayeenka Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex.