Araweelo News Network

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Shirkadda BGP

Hargaysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Eng. Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa Heshiis la saxeexday Shirkada BGP oo ah shirkad Chines ah,  taas oo Sahamin shidaal ka samayn doonta Gobolada Saaxil iyo Sanaag bilawga Bisha labaad ee sanadkan haddii Alle idmo, isla markaana hawsha sahaminta laga samayn doono dhul Bedkiisu gaadhayo 700km.

 

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Siciid Axmed Jibriil oo arrimaha heshiiskaa faahin ka bixinayay ayaa yidhi, “Heshiiskani wuxuu yahay blocks shirkada RakGas ee labada ahaa ayaa shidaal baadhis laga samaynayaa shirkadani waa shirkadii hore ugu guulaysatay inka badan 3000 km oo sahan shidaal ah, kaasoo soo gebagebo ah bisha jenuary ee aynu ku jiro 27keeda,  ama soddonkeeda mashruucan danba waxa uu bilaamayaa February 2018.

 

“Waxaa ii farxad ah inaan manta qalinka ku duugno oo saxeexno heshiis taariikha ah oo laga yaabo sida ayanu rajaynayno in uu wax tar weyn u yeesho dalka Somaliland,  heshiiskaasii waa heshiis aan ku siinayno kuna heshiino inay shidaal baadhiis ka bilaabaan, qeybo ka mid labada gobal ee saaxil iyo Sanaag ee block-yadda SL 9 iyo SL 12 labadda baloock in shiidaal baadhis laga bilaabo ayaanu saxeenay, taaso ay maalgalinayso shirkadda RAK-GAS waxaan ilaahay ka baryaynaa in wax wanaagsan oo waxtar u leh wadanka inooga soo saaro, waa bilow waa sahan waxaan rajeynayana oo wasaaraduna u xil saarntahay in la baadho ama wixii suurta gal ah,  hadii wax shiidaal ahi ku jiraan oo aan ogaano wixii shiidaal ama macadan ku jira ,waana waajibaadka wasaaradda,heshiiskanina waxa uu daba socdaa heshiiskii hore iyo baadhitaan kii hore ee laga waday gobolada Togdheer,Saraar, Daad-madheed,Hawd iyo Maroodi-jeex, waxaanan ka rajaynayaa shacbigaa ku dhaqan deegaanadaas in ay fududeeyaan hawlahaa iyo baadhi taankaas oo lagana yaabo in ay qof walba ugu tagto gurigiisa faa`iidadiisu.”ayuu yidhi.