Araweelo News Network

Addis Ababa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa la kulmay Dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibed dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.

Dr. Workneh Gebeyehu ayaa si heer sare ah ugu qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo weheliyo safiirka Somaliland ee dalka Ethiopia Amb. Ahmed Egal iyo u qaybsanaha arrimaha ganacsiga ee safaarada Abdirahman Abdi.

Kulankan oo mudo saacado ah qaatay ayaa waxa lagu lafa guray arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Waxbarashadda iyo iskaashiga labada dal iyadoo si qoto dheer la isaga xaal waraystay xaaladda guud ee mandaqada geeska Afrika iyo isbedelada badan oo ku soo kordhaya.

sida lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Netowrk, waxa Mudadii uu socday kulanka wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo dhigiisa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa waxa si buuxda la isula qaatay sii xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal iyadoo si wada jira la isula qaatay derder gelinta heshiiskii dekeda berbera iyo xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal.

Wasiir Sacad Cali Shire oo maalimihii ugu dambeeyey safaro shaqo ku marayey waddamada galbeedka Africa ayaa waxa uu kulamo muhiima la yeeshay madaxda wadamada galbeedka Africa gaar ahaan wadamada Ghana, Senegal iyo Muritaaniya oo uu wasiirku kaga qaybgalay shirkii midawga Africa.

Safarkan wasiirka arrimaha dibedda somaliland iyo Kulamadan ayaa waxay qayb ka yihiin dedaalada ay wasaaradda arrimaha dibeda somaliland ugu jirto ka midha dhilinta qadiyada ictiraafka Somaliland oo qaaradda Africa.