Araweelo News Network

Djibouti(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya . Amb. Ahmed Isse Awad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Djibouti ayaa la kulmay Madaxda Dalkaa.

 

Amb. Ahmed Isse Awad waxa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ballaadhan ee sida uu sheegay laba dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Wasiir ayaa kala saxeexday heshiisyo seddex ah oo uu qayb ka yahay iskaashiga ammaanka iyo arrimo kale. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, waxa socdaalkaa  ku wehliyey  Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Siihayaha xilka Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Mudane Khaliif Cali Xaashi Cilmi.

Xubnaha Wefdiga dawladda Soomaaliya, ayaa booqasho sharafeed ugu tegey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle,  sidoo kale waxay booqdey xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Machadka Diblomaasiyadda dalka Djibouti.

Booqashada Wefdiga Soomaaliya ee Djibouti, ayaa kusoo beegantay xili xiisad colaadeed u dhaxayso Xukuumadda Somaliland Iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo taageeraysa maamul goboleedka Puntland ee dhowaan dagaalku ku dhexmaray Ciidamadda Qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq.