Araweelo News Network

Axmed Muumin Seed Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland

Gebiley(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed, ayaa maanta Magaalada Gebiley kaga qaybgalay xus ballaadhan oo loo sameeyey 36-guurada kasoo wareegtay maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka Bisha February ee sanadkii 1982-kii oo ku beegnay maanta “.

Maalintaa oo sanad walba la xuso, isla markaana xukuumaddii hore ku midaysay kacdoonadii Dhallinyarada Somaliland ee dhagaxtuurka xiligii taliskii Maxamed Siyaad Bare ee 20 February, 1982-kii, oo ku beegan maalintii Dhallinyaradii UFO sameeyeen Dhagax-tuurka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo hadal ka jeediyey Xuska loo asteeyay Maalintii dhallinyaradii Geesiyaasha ahaa Dhagax-tuurka kala hor-tageen Ciidammadii Dawladdii Siyaad Barre ee dhibaatada ku hayey Shacabka Somaliland, ayaa sheegay in haddii aanay dhallinyarada UFO u badheedhin dhibaatadii loo geystay oo aanay naftooda hurin in aan wakhti xaadirkan lagu naaloodeen Xorriyadda ka jirta Somaliland.

Halkan ka Daawo Wasiirka Horumarinta Beeraha oo ka hadlaya arrintaa.