Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan, ayaa Xafiiskiisa Hargeysa kulan saacado badan qaatay la yeeshay Madaxa Xafiiska Qarammada Midoobay u qaabilsan Hawlgalka wejiga labaad ee Soomaaliya(United Nations Operation in Somalia II) oo loo soo gaabiyo UNISOM.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, waxa ay labada dhinac ka wadahadleen arrimo la xidhiidhka hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo sidii loo anbo-qaadi lahaa arrimaha Dastuurka ee Wasaaraddu u xil saaran tahay, gacan-saarna loola jeelan lahaa aqoonyahano iyo xeel-dheerayaal dhanka shuruucda ah.

Ugu horayn, waxa madasha ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ku dheeraaday ahmiyadda Wasaaraddu u leedahay qaranka iyo taabo-gelinka arrimaha la xidhiidha goleyaasha qaranka iyo Dastuurka, waxa u sheegay inay u dhexeeyaan Goleyaasha qaranka iyo Xukuumadda, kuwaasi oo ay kala shaqeeyaan xeerarka, isla markaana ay tallo ku leeyihiin, sidoo kalena in wasaaradiisu ay u xil saaran tahay sidii dadka reer Somaliland loo bari lahaa Dastuurka, si sharciga iyo nidaamku u noqdo mid sareeya.

Sidoo kale, waxa uu Wasiir Maxamed Xaaji Aadan sharaxaad dheer ka bixiyey muhiimadda ay leedahay horumarka Dastuurka iyo in dadka la baro si loogu dhaqmo xeerarka iyo shuruucda dalka, taasi oo horseed u noqon doonta inay dadka fahmaan Dastuurka isla markaana si siman loogu wada dhaqmo sharciga, ka wasaarad ahaana ay ku dedaalayaan iyagoo ahmiyad weyn siinaya sidii arrimahaasi u fuli lahaayeen, iyagoo kaashanaya goleyaasha qaranka ee Wakiillada iyo Guurtida iyo cidkasta oo aqoon iyo khibrad u leh Dasuurka iyo sharciga.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md. Maxamed Xaaji Aadan, ayaa muddada uu xilka hayey ku hawlanaa sidii ayaa beryihii u dambeeyey kor u qaaday, isla markaana dardar geliyey waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, taasi oo laga dheehanayo qaabka shaqo ee Wasaaraddu xiligan ku shaqayso iyo hufnaanta adeeg ee ka muuqataha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Geesta kale, Jeff Sims oo ah Madaxa Xafiiska UNISOM ee Magaalada Hargeysa oo halkaasi ka hadlay, ayaa dhankooda soo dhaweeyey shaqada baaxadda leh ee ay Wasaaraddu u u taagan tahay, waxaana ay ballanqaadeen wada shaqayn buuxda iyo inay wasaaradda gacan siiyaan si milgo iyo maamuus lehna u soo dhaweeyey wada shaqayntaa gebagebadii waxa uu kulankaasi ku soo dhammaaday jawi degan oo is afgarad.

Halkan Ka akhri warbixin Ka hadlay Ujeedada xafiiska UNISOM.

Waajibaadka Xafiiska Q. Midoobay Ee Cusub, Qorshayaasha Iyo Ujeedooyinka Uu Fulinayo Ee Khilaafsan Qadiyada Iyo Madaxbanaanida Somaliland, Warbixin:  By. Carraale M. Jama

United Nations Operation in Somalia II was the second phase of the United Nations intervention in Somalia.