Araweelo News Network

 

 

Hargeysa(ANN)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Cali Maax, ayaa saaka xilka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ee Wasaaradda Beeraha Marwo Hodon Axmed Maxamed (Hodan Maal) iyo Agaasimaha cusub ee Waaxda qorshaynta Saam Axmed Jaamac oo dhowaan Wasiirka Wasaaradda Beeruhu u magcaabay xilkaa, kadib markuu isku shaandhayn ku sameeyay inta badan Agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Munaasibada xil wareejinta, ayaa saaka ka dhacday Hoolka Wasaaradda Beeraha, waxaana ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Axmed Cali Maax , Agaasime waaxeedyada wasaaradda ee cusub, Agaasime waaxeedyada xilalka wareejinayay Iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda.

 

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Beeraha Axmed Cali Maax oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay in muhiimada isku shaandhayntu ay tahay in la nasiyo dadkii soo shaqeeyay. balse aanay ahayn in aanay waxba qaban, wuxuuna si gaar ah uga hadlay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ee xilka wareejisay,  Marwo Hodon Axmed Maxamed (Hodon Maal), wuxuuna isagoo ka qiraya warbixintii ay kaga hadlaysay wixii ay qabatay mudadii ay xilka haysay yidhi,

 

Waxaan qirayaa in Hodon Axmed Maxamed (Hodon Maal) Baal Dahab ah kaga jirto Wasaaradda Beeraha, Isla markaana aanay ahayn in xilka looga qaaday kartidaro Iyo aqoon la’aan, waynuna aragnaa wixii ay qabatay iyo dedaalkeeda, Hodon iyo Ibaarahim Cumar, waa labadii qof ee ugu karti badnaa Agaasime waaxeedyada, waana laba qof oo aqoon fiican u lahaa shaqooyinka ay hayeen.

Anigu markii aan Wasaaradda imi ee aan Agaasime waaxeedyadii waraysatay qofka keliya ee taageerada aan ka helay ee waxqabadkeedu aad iisoo jiitay oo aynaan dafiri karin wixii ay qabtay waa Hodon, balse xilka laga qaaday waa calaf” ayuu yidhi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha.

Dhinaca kale Marwo Hodon Admed Maxmed (Hodon Maal) oo ka khudbad ay kaga hadlayso wax qabadkeedii mudadii ay xilka Agaasimaha Waaxda Qorshaynta haysay ka jeedisay halkaa, waxay iyadoo ka hadlaysa wixii ay qabatay tidhi,”Guul ayay ii tahay in aan maanta oo ay Bishu tahay 11 Jun 2018, aan xilka ku wareejiyo Agaasimaha cusub ee Waaxda qorshaynta, anigoo ku faraxsan mdadii aan joogay Wasaaradda in aan usoo hooyay guula baddan oo la taaban karo, kuwaas oo ay markhaati ka yihiin madaxdayda sharafta leh iyo shaqaalahuba oo ay qirayaan.

Anigoo tixraacaya balanqaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxay Waaxda Qorshaynta ee Wasaaraddan dardar gelin ku samaysay sidii ay Waaxda Qorshaynta u samayn lahayd wacyigelinta wax-soosaarka Beeraha si kor loogu qaado, taas oo qorsheheedu socdo xiligan. Sidoo kale waxay Waaxdu ku guulaystay samaynta qorshe sannadeedkii aan abid Wasaaraddaha Somaliland samayn, iyadoo Madaxweynuhu ku dhiiri geliyay Wasaarad walba inay samaysato qorshe sannadeedkeeda.”

Marwo Hodon Maal, iyadoo ka hadlaysa doorka Xafiiska Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo ahmiyada uu Wasaaradda u leeyahay, waxay tidhi. “Mudadii aan joogay xafiiska aan maanta wareejinayo waxaan dedaal badan Iyo juhdi geliyay sidii uu Xafiiskan oo ah Waaxda Qorshaynta, Isla markaana ahmiyad weyn u leh Wasaaradda Horrumarinta Beeraha iyo Qarankaba boodhka uga tumi lahaa, maadaama uu yahay rukunada, amma waaxaha ugu muhiimsan Wasaaradda, waxaan ka qaybgalay shirar Caalami ah oo guul usoo hooyay Qaranka Iyo Wasaaraddaba.

Sidoo kale,waxaan xoogga saaray si loo dardar geliyo hawlaha Wasaaradda Horrumarinta Beeraha, iyadoo la hirgelinayo qorshaha xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Hoggaaminayo, waxaan xidhiidh wada shaqayneed oo maanta midhadhalkiisu muuqdo oo aad markhaati ka tihiin la sameeyay dhammaan Hay’addaha xidhiidhka wadashaqayneed la leh Wasaaradda Horrumarinta Beeraha, kuwaas oo aanu samaynay qaabkii Iyo qorshihii ay Wasaaradda ula shaqayn lahaayeen, waxaana diyaarinay Hoolka shirarka ee aynu maanta fadhino oo si bilicsan loo qurxiyay, Isla markaana la qalabeeyay, waxaana uga mahad celinayaa Hay’addaha gacanta ka geystay ee doorka weyn ka qaatay hirgelintiisa iyo masuuliyiinta igu garab taagnaa, iyadoo todobaad kasta hoolkaa lagu qabto shirar uu xafiiskani hago oo ay ka qaybgalaan dhammaan Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee wadashaqaynta la leh wasaaradda..” ayay tidhi Marwo Hodon Maal oo shaqaalaha Wasaaradda Beeruhu aad ugu guuxeen khudbadii ay kaga hadlayssy wixii ay qabatay mudadii ay xilka haysay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Axmed Cali Maax, ayaa Sidoo kale xilka u kala wareejiyay dhawr ka mid ah Agaasime waaxeedyada wasaaaradda oo dhowaan wasiirku xilalka ka qaaday iyo kuwa cusub ee xilalkaa loo magcaabay.