Araweelo News Nework

Guriga Cabdiqaybdiid

Muqdisho(ANN)-Warar hubaysan, ayaa lagu qaaday  guriga Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo hore uga mid ahaan jiray Hoggaamiye kooxeedyadii Somalia, kadib markii Sabtidii maanta ciidan hubaysan oo loo malaynayo inay kuwa dawladda yihiin ay xoog ku galeen.

Mr Qaybdiid waa uu ka maqnaa guriga xiliga  weerarku uu dhacay ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhashay. Sida ay sheegayaan wararku Senetor Cabdi qaybdiid oo goor dambe saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha nabadsugidda ee gobolka Banaadir uu ku wargeliyey in guriga ay soo weerareen ‘ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta’.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baadhitaan degdeg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa lala tiigsan doonaa sharciga. sidaana wuxuu ku baahiyay bartiisa Twitterka.

 

Dhinaca kale Wakaaladda wararka ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa goor dambe shaacisay in taliyaha ciidanka xoogga dalka uu xabsiga u taxaabay 40 askari oo ciidanka dawladda ka tirsan iyo laba sarkaal oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Qaybdiid.