Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku tegey Dalka kenya, ayaa  la kulmay Madaxweynaha dalkaa  Uhuru Kenyatta.

Kulankaa kadib waxay labada Madaxweyne magcaabeen xubno guddi ah oo ka shaqeeya arrimaha lagu muransan yahay ee dhinaca xadka, sugida amniga iyo socodka labada dal.

Sidoo kale waxay labada madaxweyne isla garteen in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in waxa loogu yeedho argagixisada ay isaga gudbaan.

Guddida wadajirka ah, ayaa u kuur gelaya xaaladda degmada Beled Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxa uuna intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay, iyadoo sannadii u danbeeyay ay jirtay xiisad ka dhalatay gidaarka ay Kenya ka dhisayso xadka u dhexeeya labada dal, waxayna xaaladu sii xumaatay markii gidaarkaa oo Kenya dhismihiisa ka waday Magaalada Beled Xaawo si weyn dadku uga hor yimaadeen.

Sidoo kale magcaabista guddida, ayaa kusoo beegantay, iyadoo dawladda Kenya wado qorshe ay Badda Soomaaliya ee dhunaca Kismaayo doonayso inay la wareegto.