Araweelo News Network

“Dalku Xaalad Cusub Oo Aan Hore Loo Arag Ayuu Galay, Jiritaankeennuna Wuxuu Ku Jiraa Mugdi….”Xildhibaan Bashiir Tukaale

Bashiir Tukaale

Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada ahna siyaasi ka tirsan xisbigga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa carabka ku dhuftay inuu dalku galay xaalad sababi karta inuu jiritaankeennu mugdi gallo. Islamarkaanna wuxuu iftiimiyey in xafiiskii kaliya ee innooga Shaqaynayay dalka Itoobiya la dhalan-roggay magacii Xafiisku lahaa ee uu qaranka ugu suntannaa.

Xildhibaan Bashiir Tukaale, wuxuu ku baaqay in shacab, xukuumad iyo golayaal-ba in la badbaadiyo jiritaanka Qarannimadda Somaliland.

Sidaa wuxuu Xildhibaanku ku sheegay mar uu maanta Teleshinka Star ugu waramayey Magaaladda Hargeya, waxaannu yidhi“Dalku xaalad cusub oo aan hore loo arag ayuu galay, taasinna waa in loo wadda-guntaddo sidii aynu dalka uga saari lahayn shacab iyo xukuumadda iyo golayaal-ba ayaa loo baahan yahay. Haddii arrinteennu sidaa ku sii socota jiriteenkeennu wuxuu gelayaa mugdi.”Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in la bedelay magacii xafiiska itoobiya uga diiwangashanna Qaranka“Siyaasadeenna arrimaha dibaddu way taagan-tahay, daaqad waliba way inagu soo xidhantay. Xafiiskii kaliya ee aynu Itoobiya ku lahayn, waxa la sheegay in magaciiba laga bedelay oo magac kale loo bixiyay, Taasina waa arrin hor leh oo aan hore u jiri jirin,” Ayuu yidhi Bashiir Tukaale