Araweelo News Network

Harteysa(ANN)-Xildhibaan Cali Shire, Guddoomiyihii hore ee Guddi-hoosaadka Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Caddeeyey Karaamada iyo Sharafta Dahabshiil ku Leedahay Bulshada, Saxayna Warbixintiisii Hore Hantida Qaranka ayaa si faahfaahsan u caddeeyeey in si qaldan loo fahmay soo-hadal-qaadkii uu meelo ka mid ah warbixintiisa ku carrabaabay magaca shirkadda.

Si uu arrintaa ugu caddeeyo dadwrynaha, oo in badan oo ka mid ahi ku jahawareertay, una qaadatay duurxul si u dalab leh, waxa uu Xildhibaan Naasir Cali Shire, waraysi kooban siiyey Maamulaha Telefishanka Eryal TV, Weriye Bedri Koosaar, oo ay dhar jeer oo horena ka kulmeen aragtiyaha Warbixinta Guddigu ku reebtay bulshada.

“Waxa aan kuugu yeedhay inaan caddeeyo in warbixintii hore Guddigu u soo saaray ee aan Guddoomiyaha ka ahaa ee Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaran in aanay ku jirin in la siiyey US$350 000 oo Dhiscoon ah,” ayuu hoosta ka xarriiqay Xildhibaanku.

“Waxa noo caddaatay, horena aan u sheegay, in lacagta xaddigaas leh lagu raray dadka oo meelo lagu dejiyey oo aanu weliba anigu aan indhayga ku soo arkay,” ayuu raaciyey Xildhibaan Naasir.

Isaga oo arrintaa warbixintiisu si dadban u soo qaaday ee la xidhiidhey fulinta amarkii Dawladda ee ahaa in qayb ka mid ah dakhligii ka soo xerooday Iibka in yar oo ka mid ah Liinka Booliiska lagu wareejiyo dhismaha Jeelka Burco, waxa uu yidhi: “Annaga arrinta aan markaa dabagaleyney waxa ay ahayd arrintii dhismaha Jeelka Burco.”

Hadalka xildhibaanku waxa uu si buuxda u waafaqay uguna markhaati furay raallin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Baashe Maxamed Faarax, uu in yar ka dib markii Xildhibaan Warbixin meelo dhawr ah taabatay ka hor jeediyey Golaha Wakiillada, ka bixiyey qaladka laga dhex akhristay warbixinta oo in badan oo aan waxba hubsani dhaleeco u fahmeen.

Waxa Guddoomiye Baashe maalintaa, August 15, caddeeyey in dukumentiga la hor keenay Golaha uu si cad u kala qeexayo sida Shirkadda Dahabshiil aanay melena qoonsimaad uga soo gelin, bal se iyada laf ahaanteedu ku kaabtau dib-u-dejintii qoysaska kharajyo dheeraad ah.

Waxa u caddaatay Golaha in qader dhan US$340000 )saddex boqol iyo afartan kun) ay sirkaddu ku dartay US$350000 (Saddex Boqol iyo Konton kun) oo dawladdu u qoondaysay, ayna ka faa’iidaysteen 17 qoys oo haatan ku jiran hanti xalaal ah oo ay iyagu Yed u leeyihiin.

Waxa isaguna saxaafadda la hadlay, 20 August, Sii-hayaha Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Golaha Wakiillada, Xildhibaan Cabdulqaadir Jaamac Xaamud, oo mar kale bulshada u caddeeyey in Golaha iyo Guddigooduba ku qanacsan yihiin karaamada Shirkadda Dahabshiil, ayna ceeb-ka-saliim ka tahay tilmaamaha iyo tuuraha dad qarad lihi ka dhex samynayaan warbixintooda.
Waxa xusid mudan in bulshada Af Soomaaliga ku hadashaa meel kasta oo ay joogto abaal iyo sharaf u hayan shirkadda, ayna ugu dambeysey mahdadawgii Guddoomiyaha Jaamcadda Hargeysa uu ku qiray khudbaddiisii Qalinjebinta Dafcaddii 15aad ee Jaamicadda ka qalinjebisa in aanay shirkaddu kala hadhin waxbarashada hiil iyo hooba – meel kastaba ha ahaatee, xaddi kasta ha lahaatee.

Waxa Shirkadda Dahabshiil Caalamku ku og yahay oo ku ixtiraamaa inay tahay mid shuruucda dalka kasta oo ay ka shaqayso si buuxda ugu dhaqanta wixii waajibaad ah ee sharcigu farona si daahfurnaan ah u fuliso – haddii ay cashuur tahay iyo haddii sharciyaynta adeegyadeeda tahayba.