Araweelo News Network

Cismaan Afgaab

Hargeysa(ANN)- Saraakiil Ka tirsan Xisbiga mucaaradka ee  WADDANI, ayaa  ku war geliyey wakiiladooda u jooga gobolada iyo degmooyinka dalka inay joojiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen guddida doorashooyinka.

Sidaana waxa sheegay Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, Cismaan Afgaab oo ka mid ah xubnaha xisbigaa u qaabilsan guddida doorashada oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay talo  kula noqonayaan madaxda sare ee xisbiga Waxaanu yidhi “Doorashadii 13-ka bisha ka dhacday oo ay ahayd in sidii caadada ahayd ay noqoto doorasho xor iyo xalaal ah, waxa soo baxday oo guddida doorashaduna iska dhaga mariyeen cabashooyin badan oo xisbigaa WADDANI u soo gudbiyey, doorashaduna way ka baxday xor iyo xalaashii  waxaana gobolo badan oo wadanka ka mid ah ka dhacday ku shubasho baahsan markii aanu u gudbinay guddida doorashaduna waxay kaga jawaabeen aamusnaan.” ayuu yidhi.

Cismaan Afgaab oo hadlaya go’aankooda wuxuu yidhi, “Waxaanu ku war gelinaynaa dhamaan wakiilada xisbiga inay hakiyaan wada shaqaynta guddida doorashada inta xisbigu go,aan ka soo saarayo, xisbiga ayaanu wakiil ka nahay shaqo ayaanan wakiil uga nahay, shaqadaasi haday u socon waydo si sax ah go’aanka kama dambaysta ah waxa iska leh madaxda xisbiga, laakiin waxaanu cadaynaynaa in aanu joojinay in aanu sii wadno wada-shaqayntii, waxaana arrintaa kula noqonaya madaxda xisbiga oo  go’aan ka gaadhi doona arrintaa.” Ayuu yidhi Cismaan Afgaab.

Sidoo kale waxa halkaa Ka hadlay Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah saraakiisha sare ee Xisbiga, wuxuuna sheegay in ay cabashadooda ugu badan ay tahay Gobolka Maroodi-jeex, Isla markaana wuxuu sheegay in ay Komishank Qaranka u gudbiyeen Qoraal la xidhiidha cabashadooda.